Kuma ayaa loo Aqoonsadey in uu yahay ciyaaryahankii Ugu wacnaa Kulamadii Isbuucaan Ee Horyaalka La Liga

0
33

Marka laga imaado kulankii xaley oo isniin ahayd ay wada ciyaareen kooxaha Real Betis iyo Leganes, ciyaaryahan Luis Suarez ayaa waxaa loo aqoonsadey xidigii ugu fiicnaa kulamadii 19aad ee Isbuucaan laga dheelay La Liga.

Michael Olunga, Jan Oblak, Sergio Asenjo iyo Goncalo Guedes ayaa sidoo kale kasoo muuqday Liiska Shanta ciyaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkan.

Iyadoo ay soo doorteen Akhristayaasha Shabakada Marca ee wadanka Spain ayaa Suarez waxaa u codeysay 1149, taasoo ka dhigan inuu ka helay codadkii la dhiibtey 57%.

Tani ayaa waxaa sabab looga dhigay in wiilkaan uu ka caawiyey kooxdiisii soo laabashadii ay sameeyeen kulankii ay garoonka Anoeta Staium ay kula soo dheeleen Real Sociedad, markaasoo uu labo gool uu daliyay.

Kadib markii bilaabasho qasan uu ku bilowday Luis Suarez xili ciyaareedkan ayaa kulamadii ugu dambeeyay wuxuu noqday “dilaa” waxaana uu dhaliyay 13 gool ilaa iyo haatan.

Dhanka kale, Kaalinta labaad iyo saxadaa waxaa soo galay ciyaarytoyda kala ah: Guedes oo Valencia tirsan wuxuuna helay 18% iyo Jan Oblak oo Atletico Madrid udheela, kaasoo isana helay 13%.

Sergio Asenjo ayaa ka helay 9% dhaman codadkii la dhiibtey, sidoo kale, weerar yhanka reer Kenya iyo kooxda Girona ee Michael Olunga, oo kaalinta Afaraad soo galay ayaa isana wuxuu helay 4%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.