KUMA AYUU AHAA,XAAJI ABWAAN GUULEED DHOOLE YARRE?

0
153

kumuu ahaa , Xaaji Abwaan Xaaji Guuleed dhoola-yarre

Xaaji Guuleed Xirsi Obsiiye , oo ku magac dheeraa dhoola-yarre wuxuu ahaa abwaan wayn oo ka mid ah abwaanaddiii calanka u siday tirinta gabayga iyo hal-abuurka soomaalidda qarnigii horre ee lasoo dhaafay horaantiisii iyo badhtamihiisii , in uu ahaa abwaan gaaso baxay oo afkiisu tanaadayna , wuxuu nasiib u heley arrimo dhawra oo anay helin abwaanadii ay isku jaalka ahaayeen , waxaana ka mid ahaa :-

– Aqoon diineed ayuu xaajigu u lahaa qaybaha kala duwan ee barashadda cilmigga sharcigga ah .

– Ilbaxnimo iyo dhul mareenimo xaajigu kusoo wareegay aduunyadda badankeedda , isagoo ahaan jirey xoogsataddii maraakiibta ( sea men ) iyo ganacsade , sidda aynu ku arki doono gabayadiisa .

– Waxa kale oo xaajiggu kagga duwanaa abwaanadii ay isku xiligga ahaayeen in badan oo ka midda , wuxuu ahaa nin xoolo iyo maal aduun alle ku galadaystay oo hodan ahaa .

Gabayaddii xaajigga .

Xaajiggu wuxuu ahaa gabyaa gabay dhaadhiya oo gabayadiisu murti ahaan iyo dhumuc ahaanb aad u culus yihiin , waxaana astaan iyo baadi-sooc u ahaa saddex qodob oo ay caan ku ahaayeen .

– Murti wayn oo miisaaman , inta badana hal hays noqota .

– Dherer gabayadiisa inta badani dhaadheeraayeen ,waxaana la sheegaa in sayd Maxamed Cabdilse xasan marka lagga reebo gabayaddiisu ahaayeen kuwa ugu dhaadeer gabayadda soomaalidda .

– Ilbaxnimo iyo aqoon uu ka korodhsaday mudadii dheeraa uu uu bad mareenka ahaa .

Iftiimin kooban .

Xaajiga raggii ay isa soo gaadheen isuna gabyi jireen waxaa ka mid ahaa , Cabdi warsame baanji oo loo yaqaanay ( Cabdi gahayr ) iyo Qawdhan ducaale , gabayaddii ay is waydaarsan jireen iyo kuwii kale oo uu tiriyeyna , lagguma hayo aflagaado qof iyo qabiilo midna loo gaystay , hassa yeeshee waxay ahaayeen gabayo hufan oo la hayo .

Tusaale yaal .

” Xildhibaanka iyo baan dilaa magaca xaash-xaashe ,
xabad waxaan ku toogtaa rijaal xeeligga u baxay ”

gabaygan wuxuu xaajigu iska xidhayay nin gabay usoo tiriyey oo uu u arkayay in aanay isku mustawe ahayn .

” Waqtigaa i hayee jadamiyoow kuma wareersheene ,
walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqo soo dhigo’e ,

Ereyadana xaajigu mar uu u cabanayey Dr Jadamo oo ahaa nin dhakhtara, waxaanay muujinayan asluubtii xaajigga .

” Bad baa guuxle , guulaa quwi leh , minawar baa gaanle ,
Gujis iyo diyaaraddo is galay goondhar diriraale ,
Gurmad lalabe heegan culus gaadh jarmali baa leh ,

Erayadan araarta ihina waxay muujinayaan ilbaxnimadii xaajigga .

” Ilayn gacal aan kala maarmi karin ciil ma kala geeyo ” .

Ereyadanina waxay muujinayaan guurtinimadii xaajigga .

Iftiimin kooban .

Xaaji guuleed wuxuu ahaa gabyaa ay isu gabyi jireen rag badan oo gabyaa ah , waxaanu ahaa xiligiisii afhayeenka dhinaca gabayada Beesha Habar yoonis , waxaana iftiimin ugu filan .

” Nin waliba anay igu gudhaa , gole ka maansooye ,
Gaashaan-dhig habar yoonisbaa garab ku taaglaynle ” .

” Habar yoonis wadda taala baan toogadeed qabaye ,
Tallo waxaan ku jirey reer siciid ha isku tiirsaddo ” .

Mar kalena wakii lahaa .

Anigaa hadalku ii taabudmoo la igga tuugaaye ,
Tix qudhoon marshaa baa ku filan tan iyo tuurwaa ” ..

Mar kalena waakii lahaa

Nimankaan warkooddii ka riday ,warasaddii kiinka ,
Nimankan hindiya iyo waashitoon uga wagloonaayey ,
waxba iima tarin reer togdheer weheshigodiiye ,
Habar yoonis waagii horaan waafi la ahaaye .

Sidaa markay tahay , xaajiga Milgihiisa iyo maamuuskiisa midna may ahayn in uu tiriyo gabay u qiime liita sidda kan ku qoran buugga Guri-barwaaqo , haddii maruun il-duuf iyo turunturo suugaaneed loo heli lahaana waxaa ka jawaabi lahaa oo aan ku saamaxeen raggii ay is af-eegan jireen suugaan wadaagtana ahaayeen , hassa yeeshee gabaygani waa mid la gabay xayiray sidda gabayadii saydka ee Jiinlaydda iyo Koofil , Muran iyo shakina kama taagna in aan xaajiggu gabaygan tirin .

Dhinaca kale ma jirto meel xaajigga gabayadda lagaga mamnuucay ama meeqaamkiisa hoos loogu dhigay , waxaanu ahaa raggii soo gaahday dagaalkii xoriyadda , isagoo geeriyooday horaantii lixdankii , ilaa waagaas uu geeriyoodayna xaajiga gabayadiisu ma carjamin ismana dhimin , waxaanu ka mid ahaa , Abwaanadda uu midhahooda jecel yahay , ee uu mar walba soo qaadan jirey , Madaxwaynihii horre ee Somaliland M I Cigaal oo ay wadda galeen halgankii gobonimo-doonka .

Buugga guri-barwaaqo .

2 arrimood ku qoran buugga Gurri barwaaqo midna waxba kama jiraan , kuwaasoo kala ah :-

– In Xaajigu tiriyey midhaha buugiisa ku qoran , dhaqankiisa iyo sharaftiisana may ahayn .

– ma jirto meel xaaji guuleed Gabayaagga lagaga saaray ama meeqaamkiisa hoos loogu dhigay , haddii ay dhici lahaydna hawraar iyo hadal mid uun bay inaggu soo gaadhi lahayd , taasina ma jirto .

Gunaanad .

Buugan oo kiciyey dareen xaasaasiya , dad badanina dhib ka tirsaday , Xaaji guuled iyo haweenkana aan qabanin , meel ka dhacna ku ah , waxaan soo jeedinayaa .

– In dib u sixid laggu sameeyo , daabacaadiisana laggu celiyo .

– In gefafkaa ku jirra , cidii ay taabteena ama ka cabanaysa xaal iyo raali gelin lagga siiyo ,taasoo uu bixiyo qoraagga buugi isagoo aan ka warwareegin .

” Alloow eex ma tiraabine ,
Aqoon ha igu cadaabin ”.

Abwaan gaariye .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.