Laabi Laba U La’ ( Abdi-shotaly)!

0
94

Baqal nin riday, mid kale ma qaadi karto, waa xikmad somaliyeed, oo loo
dadliil-sado wax aan aaminaad lahayn, rabina aan ka baqayn, oo u shaqaysta
in ay calooshoodda oo kelya wax u raad-sadaan, damiirkii ka dhintay,
dareena ay kala socdeen, una adeega cidda kolba gacanta wax u saarta, sidda
Komishan ku sheegan daba-dhilifka u ah askarigan, kuwaas oo ay
caqiida-doodu  iyo diin-tooduba ay tahay, aan kuugu shubee maxaad haysaa?
ama aad I siinaysaa markaan kuu dhaco mucaaridka? Arin-taas iyadda ah bay
ku heshiis yihiin, kuwa walaaqanaaya maamul-Goboleedka Somaliland, iyo
dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay maamulka jeegaantu, sidda guurtidda,
Xildhi-baano ku sheega Baarlamaanka, iyo isku wadda daroo labadda askari
iyo cayayaanku ay ku sheegaan wasiiradu, oo hal daba-go’an loogu dhiibay
xilalka, reer hebel iyo in ay ku dhaqaaqaan fadhataysi,lagu dikado hantidda
ummadda.

Gardiid waa Alle Diide, haddii aan taariikh-dda doora-shooyinka
Somaliland dib ugu noqono, waxa bilaabay illaah khayr ha siiyo’e,
Madax-weyne Daahir  Riyaale, markii ay tii alle ku timi ( IHN) Maxamed
Xaaji Ibrahim Cigaal, oo ah ninkii sharciga inoo dejiyey. Waxa markaa
xusbi-yadda furey, Madax-weyne Daahir Riyaale, oo ay ka soo baxeen, saddex
Xusbi oo kala ah. Udub, Kulmiye, iyo Ucid. Wuxuu Mudane Riyaale qabtay
afaar doorasho , oo kala ah sidatan hoos ku taal:-

(1) Taa ay ku soo baxeen 3da xusbi qaran ee sare ku yaal, Riyaale-na uu
ku noqday Madax-weynihii ugu horeeyey ee doorasho ku soo baxa ay dad
foodaan (  Oo Dimuqraadi ah) oo kaw ahayd, uguna horeysay. Cabdilaahi
Jawaan Baa ka ahaa Gudoomiyaha Komishan, waxa lagu shubtay iyo laaluush ay
qaateen, boob iyo muraaqibiin la xidh-xidhay mid-na ma jirin, xalaal daba
go’an bay ahayd.
(2) Tii Baarlamaanka baa Iyana sidoo kale u dhacday, cadaalad iyo sinaan,
qof kastaa wixii uu helay uu la huleelay, bilaa cabsho ahayd, hal foodda oo
khalad ahina aanu ku jirin.
(3) Tii Xildhi-baanadda Deegaanka ee hore, oo iyaduna ka nadiif ahayd
Musuq-maasaq, boob iyo dhuuni raaacnimo, cid ka soo ashta-kootay-na aanay
jirin, hadal yimaadaana aan la maqlin,ee raali lagu wadda ahaa.
(4) Tii Ugu dambaysay ee Madax-weyne Siilaany, oo si xor iyo xalaal ah u
dhacaday, si caadi ah, gobonimo iyo dimuqraadiyad leh-na ula kala
wareegeen.

Somalidu waxay tidhaahaa ” Laabi laba u la’e”  doorasho baan doonayaa
xalaal ah, komishan-kanina ha joogo, laba is raaca maaha, ee doc ha isugu
baydheen qabiil ku nooshan askartu ka madax tahay. Akhristaw intaas oo
doorasho, oo uu ka mansuul ahaa Madax-weyne Daahir Riyaale Kaahin, waa la
ogaa in uu u qabtay si aan aduunka hore u maray xataa aanay u qabsan, mana
iman wareer, dhac, laaluush la siiyo komishanka, caruur foodda, iyo dad
dhintay oo kaadhadh-koodu oromo loo qaybiyaa oo la yidhaaho iigu foodda.
Waa nasiib daro’e maxaa ka dambeeyey, intan soo socota ka akhri ilaa
ayaantii uu qabtay Kulmiye ( Waa Qudhmiye):-

(a)  Doorashddii ugu horeysay ee uu qabto Kulmiye ( Qudhmiye), waxay
ahayd xildhi-baano ku sheega deegaanka hadda jooga, wixii ka dhacay waa la
ogaa, waatay caruurta 10 jirka ahi suuqa dawadda la yaacayeen,  ee caalamku
cadeeyey in hor-toodda la isaga masaxaayey dawadda, waxa ay ahayd tii ugu
horeysay ee ay qabtaan, biidhi-qaata-yaasha uu keensaday Kulmiye ( Waa
Qudhmiya’e), waa kuwa hadda la isku haysto’e., ee qudhun daaqa ahe.
(b) Doorshaddii Labaad waa tan uu askarigu  khasabka ku boobay, ee ay ugu
shubeen dhuuni raac-yadda Komishan baanu nahay ku af-gobaad-sadaa, markii
loo qaybiyey 2 milyan oo doolar ( $2000,000). buugaagtii ay bixiyeen la soo
helay ee ay qirteen, lagu xidh-xidhay Hargaysa guda-heedda, muraaqi-biintii
Waddani sidda Faadumo Saciid., iyo dhamaan galbeedka marka laga reebo
Gobolka Awdal. Bal waayahaye waxad ii sheegaysaan markaa waa maxay? ee lagu
sii eegan karaa usgagan lagu biiliyo Meesha.*

Waxan ku soo xidhay, kuwa leh Komishan diid waa Doorsha diid, hadana
runta qarinaaya, xaq daradda xaaraanta ah ku sheegaaya cadaalad, iyakoo
Somaliland burburi-naaya, is leh runta aasa, misna meel kale farta ku
fiiqaaya, uguna hiili-naaya isku xaafad baanu nahay. Waxan  ku leeyahay
kuwa noocaas ah, beeni waa wax ma tarto, xaquna sidda cadceedaas buu u cad
yahay, cid wax la yeeli karo, ama la khiyaamayn karo, laga hoos bixi karaa
ma jiraan, inaka oo is wadda uur og, yeynaan iskula soo meeraysan, oo
aynaan isu sakhirin wax aynu isla wadda garanayno, oo ah maamulka askarta
reer hebel iyo qabyaalad hoose baad ku taageersan tihiine. marka ay
cayn-kaas tahay, cidda aad u sheegaysaan  “Komishan diid waa Doorsha diid
waa ayo? Ma tahay wax la idinka dhegaysan karo? Waxa ka wacan idinka oo
iska badheedha , oo bahasha la isku cadeeyo, inta aad ka baxdaan khiyaaliga
iyo maaweeladda.
*N.B Gar Diid Waa Alle Diid.
Qoraalka Qormadan waxaa Ka masuula Qoraaga.
*Qore:- Abdi-Shotaly.*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.