Liverpool Oo Anfield Ku Qaraacdey Man City, Dhowr ciyaartoy Oo Labada Kooxod Ah Oo Shabaqa Gaadhay Xili Kulan Waali Ahaa Ay Reds Guuldaradii Ugu Horaysay Ku Baday City

0
59

 

Liverpool ayaa Anfield ku garaacday hogaamiyaasha Premier League ee Manchester City kulan waali ahaa oo ay labada kooxood maryo dhiig leh ku kala furteen. Liverpool ayaa burburisay Manchester City isla markaana cawska Anfield cusiisay iyada oo 4-1 hogaanka kaga haysay laakiin Manchester City ayaan isdhiibin waxayna dagaalka sii waday ilaa ilbidhiqsigii ugu danbeeyay iyada oo laba gool xili danbe la timid si ay neefta ugu celiso Liverpool.

Difaaca iyo goolhayaha Liverpool ayaa lumin gaadhay shaqadii waalida ahayd ee ay xidigaha weerarka iyo khadka dhexe qabteen laakiin ugu danbayn Manchester City ayaa la soo baday guuldaradii ugu horaysay ee Premier League ee xili ciyaareedkan iyo waliba dhamaan kulamada maxaliga ah oo ayna hore u soo guuldaraysan.

 

Chamberlain ayaa goolasha kulankan daah furay waxaana goolka labaad Liverpool u dhaliyay Roberto Firmino halka Sadio Man iyo Mohamed Sah ay min hal gool raacsadeen laakiin Leroy Sane, Bernardo Silva iyo Gudogan ayaa ku dhawaaday in ay Manchester City guuldaro ka badbaadiyaan balse taasi may dhicin.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD:

LIVERPOOL (4-2-3-1): Karius; Gomez, Matip, Lovren, Robertson; Can, Wijnaldum; Oxlade-Chamberlain, Salah, Mane; Firmino.

Kaydka:Milner, Klavan, Lallana, Mignolet, Ings, Solanke, Alexander-Arnold.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Otamendi, Delph; De Bruyne, Fernandinho, Gundogan; Sterling, Sane, Aguero.

Kaydka: Bravo, Danilo, Mangala, B. Silva, D. Silva, Zinchenko, Diaz.

Manchester City ayaa Anfield iskeentay iyada oo hogaanka Premier League ku raaxaysanaysa isla markaana aan wax guuldaro ah ku soo arag dhamaan kulaamdii ay ka soo ciyaartay horyaalka Ingiriiska laakiin Liverpool ayaa kulakan ciyaaraysay iyada oo aan wax guuldaro ah soo arag 17 kii kulan ee tartamada oo dhan ugu danbeeyay waxayna sidoo kale doonaysay in ay City ka aarsato iyada oo waliba isha ku haysay in ay kaalmaha hore sii adkaysato.

Manchester City ayaa doonaysay in ay markale isku daydo sidii ay guul ugu soo gaadhi Anfield oo ayna wax guul ah ku soo gaadhin tan iyo sanadkii 2003 kii laakiin waxa uu Guardiola filayay in ay kooxdiisu imtixaan adag ku marayso Anfield.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid waali ah oo ayna kubbadu dhulka daqiiqad ku hakan iyada oo ay iska horyimaadeen laba kooxood oo aan lahayn hanaan difaacasho balse ku caan baxay habka weerarka waalida ah waxayna koox kastaaba doonaysay sidii ay goolal ku dhashan lahayd.

Liverpool ayaa bandhig cajiib ah samaysay waxayna ciyaarta ku bilaabtay dardar Manchester City ay cadaadis wayn ku saartay iyada oo la arkay kooxda Guardiola oo marar badan lagu kuusay xerada ganaaxeeda inkasta oo marka ay kubbada hesho uu qorshahoodu ahaa in ay ciyaarta balaadhiyaan.

DAQIIQADII 9 AAD Liverpool ayaa heshay goolka furitaanka ee ay cadaadiska wayn ugu sii abuurtay Manchester City kadib markii uu  Oxlade-Chamberlain kubbad caawin ka helay Roberto Firmino isla markaana uu difaaca City la dhex orday wuxuuna raaciyay darbo joog hoose ku socota taas oo uu goolhaye Ederson awoodi waayay in uu badbaadiyo, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta kula timid.

Manchester City ayaa markiiba bilawday in ay madaxa sare u qaado oo ay raadiso goolka barbaraha laakiin waxaa hortaagnayd koox dhiiranaan iyo kalsooni ku ciyaaraysa iyada oo taakalo iyo cadaadis wayn labada kooxood geesaha iskula galeen waxayna u muuqatay in Liverpool ay wali tahay kooxda goolka labaad laga filan karayay.

Manchester City ayaa si adag iskaga difaacday weerarka Liverpool oo iska lumiyay fursado badan oo ay si fiican u soo dhiseen balse shidaalka ku goostay afaafka hore ee diilinta 18 aad waxayna Man City sugaysay fursadii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 19 AAD Xidiga saamaynta badan ee De Bruyne ayaa kubbad dilaa ah soo hormariyay goolka Liverpool waxaana fursadan goolka barbaraha ku dhalin gaadhay Aguero kaas oo ay wax yar kubbadu ka hor martay inkasta oo uu xidiga ree Argentina gacanta offside kula jiray.

DAQIIQADII 31 AAD Guardiola ayay qasab ku noqotay in uu shaxdiisa isbadal xili hore ah ku sameeyo kadib markii uu Fabian  Delph awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana soo gadhay jug iyada oo kaydka looga yeedhay Danilo.

Ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad badan oo ay Manchester City si xoogan ugu raadinayso goolka barbaraha halka Liverpool ay baadi goob ugu jirtay goolka labaad ee kalsoonida laakiin sida ay Liverpool fursado fiican u abuurtay iyo qasaarinta fursadaheeda ayaa Man City wax wayn siiyay.

DAQIIQADII 40 AAD Da’yarka  Leroy Sane ayaa saamayntiisa layaabka leh la soo baxay kadib markii uu kubbad soo dhaafsaday isla da’yarka difaaca midig ku ilaalinayay ee Joe Gomez laakiin ma rumaysan kartid sida uu  Leroy Sane ukala jeed-jeediyay difaaca taagta daran ee Liverpool waana ka sii liidatay qaabka uu goolhaye Karium uu u awoodi waayay kubbada laga dhaliyay iskala halka uu taagnaa waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Inkaarta goolhaye xumida Liverpool miyay dhaxal u heshay? Waa su’aal aan jawaab loo hayn ilaa hadda waxayna soo taagnayd sanado badan waxayna wali u muuqataa in ugu yaraan inta xili ciyaareedkan ka hadhay ay sii taagnaan doonto, xaqiiqdii haddii uu Mignolet ahaan lahaa waxaa la filan karayay in uu badbaadin samayn kari lahaa balse Karius oo aan kalsooniba haysan ayaa Liverpool cadho wayn baday.

Manchester City ayaa goolkan ka heshay kalsooni iyo in ay ciyaarta si buuxda ula qaybsato Liverpool laakiin wali Liverpool waxay ku ciyaaraysay dhiiranaan iyada oo kubbadu lagu soo dagaalamay fursado ku abuuraysay balse qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid xamaasad waali ah leh ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester City soo laabtay iyada oo markan la soo baxday dardar cusub halka Liverpool ay doonaysay in ay sii joogtayso heerkii xamaasada lahaa ee ay qaybtii hore soo bandhigtay.

DAQIIQADII 52 AAD BIRTA GOOLKA! Manchester City ayaa ugu dhawaatay in ay markeeda gool ku hormarto kadib markii uu Otamendi ka dhex baxay Firmino iyo Matip isla markaana uu la kulmay kubbad koorne laga soo tuuray wuxuuna gaaraacay goolhayaha shaki sanaa ee Karius laakiin darbada Otamendi ayaa birta goolka ku dhacday!.

DAQIIADII 56 AAD Liverpool ayaa mowjado weeraro ah ku qaaday goolka Man City iyada oo markii hore Ederson uu iska joojiyay kubbad koorne laga soo tuuray laakiin waxa uu badbaadin cajiib ah ka sameeyay kubbad uu Mohamed Salah goolka labaad ku dhalin lahaa.

DAQIIQADII 59 AAD Liverpool ayaa heshay goolkeeda labaad oo ahaa mid cajiib ah kadib markii uu Roberto Firmino kubbad layaableh ka dulqaaday goolhaye Ederson isaga oo geed iskaga xidhay John Stones oo ay kubbad isku qabsadeen isaga oo Oxlade-Chamberlain markan noqday caawyaha goola labaad ee Liverpool waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Waxaa bilawday daqiiqado aan qoraal iyo hadaltoona lagu sharixi karin iyada oo Liverpool bilawday dhul gariir Anfield si layaableh u ruxay waxaana jiibta iyo jaanta isla aan la malaysan karin iskula helay Sadio Mane, Roberto Firmino, Oxlade-Chamberlain iyo waliba khadka dhexe oo laxanka soo saaray kubbad isku dhiiibista hilaaca ahayd.

DAQIIQADII 61 AAD BIRTA GOOLKA Manchester City ayaa nasiibku badbaadiyay kadib markii uu difaaceedu qalad fadeexad ah sameeyay isla markaana uu Sadio Mane umuuqday in uu dhalinayo goolka saddexaad ee Liverpool laakiin ma rumaysan kartid sida uu Ederson u garaacay balse ay birta goolku uga beenisay gool qurux badan.

DAQIIQADII 61 AAD Sadio Mane ayaa markan Manchester City ugu qubeeyay goolka saddexaad kadib markii uu hore u arkayay birta oo goolkii hore ka beenisay isaga oo markan Mohamed Salah soo burburiyay difaaca Manchester City wuxuna caawin u sameeyay Sadio Mane oo kubbad cajiib ah lugta bidix ku darbeeyay iyada oo goolhaye Ederson aanu waxba samayn waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Liverpool ku dubanayso kooxdii aan guuldarada soo arag ee City.

Waxaa lays waydiinayay miyay tani tahay Manchester City? Miyay tahay kooxdii Guardiola ee koox kasta soo gumaaday isla markaana aan wax guuldaro ah la soo kulmin? Laakiin jawaabta waxaa muujisay Liverpool oo ahayd kooxda aan la rumaysan karin waxa ay Anfield ka samaysay. Waa hubaal in haddii ay kulanka kasta ay sidan u ciyaarayso in ay maanta ku jiri lahayd meel ka fog halka ay joogto.

DAQIIQADII 68 AAD Liverpool ayaa heshay goolkeeda afraad ee ay ku ceebaysay Manchester City kadib markii uu goolhaye Ederson muujiyy sida uu ugu khalkhalay weerarka waalida ahaa ee ku soo jeeday wuxuuna si liidada isaga soo saaray kubbad aan markii hore halis wayn ku hayn laakiin Mohamed Salah ayaa si layaableh kubbada uga soo darebeeyay meel garoonka baadhkiisa ah wuxuuna toogtay goolka uu Ederson ka soo baxsanaa wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka afraad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-1 ay Reds ku xasuuqayso Man City.

Intaa wixii ka danbeeyay Liverpool ayaa bilawday in ay ciyaarta ku raaxaysato halka Manchester City ay si buuxda u lumisay kalsoonidii iyo kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay waxayna jamaahiirta Liverpool dalbanayeen in ay dhaliyaan goolka shanaad.

Liverpool ayaa iska lumisay fursado tiro badan oo ay ciyaarta goolal badan uga sii dhalin karta laakiin Manchester City oo uu wax ka badalay Bernardo Silva oo lagu badalay Sterling oo markale waji ganax kala kulmay Anfield ayaa bilawday in ay goolasha iska soo yarayso.

DAQIIQADII 84 AAD Manchester City ayaa ugu danbayn madaxa sare u qaaday waxayna heshay goolkeeda labaad iyada oo Bernardo Silva uu noqay xidiga Manchester City ka dulqaaday culayskii waynaa ee saarnaa waxayna ciyaartu noqotay 4-2 ay wali Liverpool hogaaka ciyaarta ugu raaxaysanayso.

DAQIIQADII 91 AAD Manchester City ayaa samaysay wax u muuqday layaab kale oo ciyaarta ka dhigay kadib markii uu difaca Liverpoool markiisa musiibo isku abuuray isla markaana uu Gündoğan goolka saddexaad ee City uu ku dhaliyay kubbad uu Aguero soo taabtay waxayna ciyaartu noqotay 4-3 ay wali Liverpool hogaanka ku hayso balse ay walwal iyo xusuustii Sevilla soo kacday.

Manchester City ayaa awoodeeda afartii daqiiqo ee dheeriga ahaa saartay sidii ay u samayn lahayd taariikh aan abid la ilaaween iyada oo doonaysay in ay ka soo kabsato saddex gool oo hogaanka looga hayay waxaana jamaahiirta Reds iyo Klopp wadno xanuun ku noqday markii Man City kubbad laaga xorta ah loo dhigay dhamadkii ciyaarta goob halis ah laakiin Sergio Aguero oo indhaha caalamka xadi lahaa ayaa lumiyay fursada ay kooxdiisu si layaableh ugu barbarayn kartay.

Isbadaladii uu Klopp shaxdiisa ku sameeyay ayaa Manchester City siisay fursad ay si adag uga soo dagaalantay meel fog laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-3 ay si layaableh Liverpool ugu garaacday Manchester City waxayna Reds noqotay kooxdii ugu horaysay xili ciyaareedkan ee soo afjarta guuldaro la’aantii Sky Blues ee kulamada maxaliga ah oo dhan.

Habaarka Manchester City ka haysata Anfield oo 15 sano jirsaday ayaa halkiisa ka sii socon doona waxayna Liverpool ugu danbayn ka aarsatay Manchester City iyada oo Reds jecel in ay soo gabagabayso rekoodhada loo taagwaayo sidii ay horeba u soo samaysay waqtigii Jose Mourinho ee Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.