Luka Mod rich Oo Weerar Culus Ku Qaadey Saxaafada England

0
221

Luka Modric waxa uu weerar rogaal celis ah ku qaaday saxaafadda England kaddib markii uu xulkiisa gaadhsiiyey fiinaalaha koobka aduunka.

Laacibka waxa uu ciyaarta si fiican ula sii qabsaday dhammaadkeedii isaga oo goolkii guusha ee Mario Mandzukic dhexda soo dhex ordayey.

Kieran Trippier and Ivan Perisic ayaa ciyaarta isu jawaabay oo gaadhsiiyey waqti dheer ah.

Modric waxa uu sheegay in guushii xulkiisa ee xalay jawaabta ku habboon u ahayd wararkii sheegayey in ay daalan yihiin kaddib markii ay labadii kulan ee hore soo dheeleen waqtiga dheeriga ah.

“Wariyeyaasha Ingiriiska, fallanqeeyeyaasha telefishinada, wey xaqireen Croatia caawa taasna qalad weyn ayey ahayd,” ayuu Modric u sheegay ITV.

“Dhammaan hadalan ka soo baxay  iyaga waan qaadanaa, waan aqrineynay waxaan lahayn hagaag, maanta waan arki doonnaa cidda daalan.”

“Sida aan sheegay waa in ay dabacsanaan muujiyaan oo ay xushmeeyaan kuwa ka soo horjeeda.

“Laakiin waxaan markale muujinay in aynaan daalneen, anaga ayaa maamuleynay kulanka jir ahaan, maskax ahaan, meel walba.

“Ciyaarta waan dili karnay xataa kahor waqtigii dheeriga ahaa, tan guul cajiib ah ayey noo tahay. Waa riyo noo rumowday muddo dheer kaddib.

“Waxaan joogaa fiinaalaha, guushii ugu weyned ee Croatia ka gaadhay ciyaaraha waana ku faaneynaa.”

ArooryoMedia/Hargeysa Office

Info@Arooryomedia.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.