MA DAREENTAY BULSHADU ?

2
421

Ugu horayn aan idinku bariidiyo salaanta islaanka.

Salaan kadib:
Xisbiyada siyaasada jam. Somaliland sidaynu wada ognahay waa sadex xisbi qaran oo kala ah Ucid,Kulmiye iyo Waddani

Dhamaantood waxay tartan u galaan ama ugu jiraan hanashada taageerada shacabka soomaaliland,Oo mid kastaaba oo doonayo inuu isagu hogaanka uqabto

Kursiga ugu sareeya qarankan
Isagoo shacabka u sheegaaya
In isagu xisbi ahaan yahay kan ugu mudan ee masiirka wadanka lagu aamini karo.

Hadaba waxaynu aragnaa xiliyada uu ay soo dhowaato doorasho iyadoo madaxda xisbiyadu ay dareenka bulshada la qayb sanayaan

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa masuul sare oo ka tirsan xisbi oo dhex jooga dan danyar ah ama qof waayeel ah ama xanuuno asiibeen gacantiisa kusida .
Hada waa inta uu isagu danta leeyahay ee uu rabo inuu kasbado dareenka shacabka isagoo adeegsanaaya aaladaha kala duwan ee is gaadhsiinta.

Mado kadib marka uu hadafkiisii gaadho ama ku guul daraysto kiiba maaha.

Hadaba su aashu waxay tahay :
Ma DANTIISAA KA WAYNAYD DANTAADA?

Haa sababtu waa shacabku kama ilbaxaan siyaasi maalinta uu baahan yahay oo qudha miciin u ah
Markuu dantiisa gaadhana
Dantooda ilaaba.
Oo ka shaqeeya danihiisa gaarka ah

Bulshooy ma siyaasada ayaynu qalad fahanay mise siyaasigaa inaga qaldan

Mise inagaa dameer malab saarnay oo aan danteena garanayn oo laynagu danaystaa

Alle haw naxariistee abwaan gaariye wuxuu yidhi:Dadna waa hangoolkii
Maalintay cidi dan leedahay
Dalmarow la tabi jiray

Intaa waxaa sii dheer qaybin bulsho iyo qoqob uu danihiisa ku hirgalinaayo siyaasiga danaystaha ahi .

Gagabadii muwaadin xaq baad u leedahay toosin iyo taageeroba cida aad u aragto inay ku jirto danta qarankani
Mana aha inuu kugu guuro nin aan dantaada wadin .
WABIILLAAHI TAWfIIQ

W/Q MAXAMED KAYSE X.DAAHIR(HORUSOCOD
BURCO SOMALILAND

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.