Macal Cune Muuqan Doonee ( Abdi shotaly)

0
79

Somalida iyo bahalka la yidhaaho dhurwaaga ( ama waraabaha qof-ba sidda
uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, kolkii loo caal-waayey, ee la loodin
waayey Mr Dhurwaa, ee in tulud kaga cabaadiyo, hadana afka boodhka soo
marsado,  oo uu yidhaaho dil isma lahayne, ciddii lahayd u qabo baan ku
tallo gashanaa, ee way iska dhintaan. Waraabaw runta sheeg baa lagu yidhi,
taasi kaa socon-mayso’e, intaa aad xoolihii ka dhamaysey Ummaddii, baad
weliba cayn-kaas u hadlaysaa. wuxu yidhi Dr Dhurwaa, anigu ma cuno
xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is  idhaahaa u soo
qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye af-kaan ku qabtaa, iyaka baa
iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan
qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu
marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoola-hiinu. Sidaas
markuu ku gar akhristay, baa lagu yidhi “Waraabaw in aad saamo jiidiyo
sanqadh tirasho kala daaye”, inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan
raad gato, wax kaa maraaya maaha, ee noo waran, runta sheeg oo wax-ba ha
qarin, waayo haday sidaasi kaa dhab tahay maad cararteen, ee waad sugi
lahayd dadkii lahaa, ogaw-se waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo
xaal-kaagu cidna kama dahsoona, waxan u soo qaatay, ee ay tahay, u jeedka
maqaalkan hoos ka akhri.

Candho gudhan, oo ku taal hal abeer ah, weligeed-na aan dhalin, qofka
hadhuub la hoos gala, ee is yidhaaha lis, Muxuu ka keeni, saw kumuu
hungoobin, inta askarigu u yeedhay ee koofiyad-bacla-yaasha ahi, marka la
soo koobo xaal-koodda waa hashaa sare ku qoran, oo waxba kama dheefin,isna
wax ay cid ka gaadhsii-nayaa haw fadhiyina. Waxa  la yidhi ” Kor waayel
waa wado indho”,  Waxan uga socdaa, qudbadda uu askarigu uga jeediyey, Kuwa
uu sidda caruurta derbi jiifka ah ee dooxa hurdda, goboladda uu dego
Garxajis, iyo amaanta beenta ah ee beer-laxawsiga ahayd, midna wax
shaqaynaaya maaha, waxay-na ka dhigan tahay, xaalka Mr waraabe ee aan sare
ku soo sheegay, intuu  hantiddii xoola dhaqatadda gumaaday, hadana la gar
yimi anigu dil ismaan lahayn. kuwa hor fadhiyaana, waxay la nooc yihiin
kuwaas waraabaha la gar akhrisnaaya duun-yaddii ka cunay. waxa-se  ka soo
baxay, xoolihii oo caloosha waraabe ku maqan iyo kuwii la dacwi-yaayey, oo
Mr waraabe isugu celceliyey. wax ka soo noqonaaya caloosha Mr waraabe-na
aanay jiraan. Waxan uga socdaa oo dulucdda maqaal-kani ay ku fadhidaa,
Shuqun-shuuqii ( Garxajis ku sheeggii) Bariiska askarigu kaga balamiyey
Hudheelka shiraacle, waxay ka dareereen isaga oo af-mooyee, gacan wax ugu
dhiibin.

Hore akhristaw loo yidhi “Macal Cune Muuqan Dooaaye” Kuwa meesha
maraayey wax ay Garxajis u goyn karaan baaba iska yar, qaar wax loo
dirsadana may ahayn, lamana aqoon, ka soo urursa-dayna, waa lax dhukani
abaar moog, dhawr ayaamood qadeeye, waxana ay ku sifoobeen, gabadhii la
kufsaday, ee tidhi ” wax-bana maan arag, warna i raac”, oo wadanka waxa ii
gashay heblaayo waa la kufsday. waxan ku soo af-xidhay maqaalkan, haddii la
rabo boog  in la dhayo, waxa la raadiyaa dawadda ay ku bogsa-nayso, ee lama
sii fadaadeeyo, dhira-dhabato iyo maskax-buq sun ah laguma sii mudo. Ta uu
askarigu sameeyey-na waa sidaas, oo waa biyo col dhaanshay, qaar Garxajis
wax waydiiyo maaha ( wax kaste oo ay yihiin-ba), hadaad salaadiin kus
heegto iyo hadaad shaydaamo ku sheegto, mid-na nooma tirsana, waxa ay
yihiin waayeelka jaqaf-sadda, cid ay ka wakiil yihiin, ama diratay oo ay ku
celina-yaan haba-sheegin. Wixii ay soo cantuugeena hadda calooshoodda kuma
jirto, garxajisna intay shir u qabtaan, odhan maayaan war baanu idiin
ahaynaa.ee  askariyaw adiga iyo kuwa kuu yimiba, waxa
weeye xaal-kiinu, doqoni amaan aanay lahayn bay u rixisaaye. horta yey u
cad goyna-yeen aan is waydiino’e? maxay-se qaban karaan? Yey-se wax u
sheegi karaan?

** N.B Kor Waayeel Waa Wadda Indo!*

*Qore:- Abdi-shotaly.*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.