Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hada Xilal Cusub Magacaabay

0
25

Hargeysa(Arooryo media)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-22/012018,uu ku magacaabay Afar Agaasime.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
2. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
4. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here