Madaxweynaha Dalka Falastiin oo Ganafka ku dhuftey qorshaha Trump

0
56

Madaxweynaha dalka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo khudbad ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka arinsanayay sidii ay uga fal celinlahaayen go’aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaaradiisa magaalada barakeysan ee Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

Cabbaas ayaa ku tilmaamay talaabadaas weji gabaxii qarniga, taas oo uu ugu dacal dhabayey tilmaantii uu Trump ku sheegay qorshaha nabada Bariga Dhexe ee Maraykanku wadaa inuu noqon doono heshiiskii qarniga.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu aanay ka qayb geli doonin qorshahaa mar hadii Trump si cad Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.