MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAANTA DALKA KA DHOOFAY IYO DALKA UU TAGAY+WASIIRADDA WEHELIYAY

0
36

Hargaysa:-(AROORYO MEDIA) Madaxweynaha somaliland M.Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wadanka ka dhoofay,waxaana uu noqonayaa safarkiisii labaad ee uu wadanka debedda ugaga baxo.

Ma jiro war rasmi ah oo madaxtooyadu ka soo saartey Socdaalka madaxweynaha , lakiin warar xog ogaal ah ayaa wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey in madaxweyne Biixi uu maanta ku tagaayo Addis Ababa Marti qaad rasmi ah oo dawlada Itoobiya u soo dirtay markii loo dhaariyey talada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu Addis Ababa ku maqnaan doono Saddex maalmood oo maanta ka bilaabmi doona waxaana uu la kulmi doonaa Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay ka wada hadali doonan danaha dalalka Somaliland iyo Itoobiya .

Dalalka Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xidhiidh iyo iskaashi dhinacyo badan khuseeya , amaanka , dhaqaalka , ganacsiga iyo arimo kale .

Waftiga madaxweyne Biixi waxaa ka mid ahaan doona wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo maalmahan u danbeeyey ku maqnaa dalka Ingiriiska .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.