Madaxweyne Biixi Oo La Filaayo Inuu Todobaadkan Safar Ugu Baxo Magaalada Burco + [ Ujeedkiisa ]

0
98

Hargeysa (Arooryomedia):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horeysay muddo sanad ah oo uu talada dalka hayey inuu todobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer .

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid  yahay jeel Wey nee magaalada Burco .

Ilaa hada ma cada In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Caasimada Hargeysa .

Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sanad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin jabinta ardey  Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.