Madaxweyne Emmanuel Macron oo markii ugu horreysay booqasho ku jooga Britain

0
38

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa soo jeediyay in dowladda UK ay u furan tahay heshiis ganacsi oo gaar ah oo ay ka heli karto Midowga Yurub kaddib ka bixitaanka Britain ee Midgowgaasi.

Balse waxa uu ka digay in Britain aysan u suuragali doonin helitaanka adeegyadda suuqa xorta ah haddi aysan aqbalin sharciyada u yaala.

Isaga oo u warmayay weriye Andrew Marr, ayaa waxa uu ka digay sida ay horrey uga digeen mas’suuliyiinta Brussels in UK aanan loo fulin doonin sida ay jeceshahay.

Heshiiska ayaa noqon kara mid u dhaxeeya hehiiska suuqa xorta iyo kan ganacsiga, ayuu hadalkiisa kusii daray.

Hadalka madaxweyne Macron ayaa imaanaya kaddib booqashadiisa ugu horreyso ee uu ku marayo UK tan iyo markii loo doortahay madaxweynaha Faransiiska, halkaasi oo uu wadahadallo kula leeyahay ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May.

Wareysiga Macron oo la baahiyay maalintii Axadii, ayaa madaxweynuhu waxa uu ku sheegay in UK aysan awood u yeelan karin suuqa xorta haddii aysan aqabalin “shuuradaha horudhaca ah”, taasi oo ay ka mid tahay isu socodka xorta ee guud ahaan Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.