DEG DEG :Madaxweyne Farmaajo oo noqday Madaxweynihii 1aad ee Hambalyo u dira Dhigiisa Turkiga

0
154


Muqdisho-RisaalaFM-
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiga ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taas oo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.

Shacabka dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.

Doorashada ka dhacday Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay Lix musharax oo mida ay tahay Qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigan tahay dalka Turkiga guul Taariikhi ah.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga ee ka dhacday dalka Turkiga waxaana codkooda dhiibtay 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas sheegay gudiga doorashada Dalkaasi.

Nagalasoo Xidhiidh
Arooryomedia.com/Muqdisho Office
Info@arooryomedia.com
Arooryomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.