Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda

0
29

Muqdisho:(Arooryo media) Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo in dhulka dowladda la iibiyo ama qof la siiyo.

Arrintan ayaa timi ka dib warar ku saabsan in dhulal ay dowladda leedahay oo siyaabo kala duwan loogu takri falay.

War saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu yiri yiri “sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, dhulka waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Illaa inta laga soo saarayo habraacyada sharciga ee waafaqsan qodobka 43aad ee dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

Go’aankan uu soo saaray madaxweyne Farmaajo wuxuu saameynayaa dhulkii la bixiyay laga soo bilaabo maalinkii madaxweynaha la doortay ee 8-da feberaayo, 2017-kii, sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017, uusan haysan ogolaansho sharci ah.”

“Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah”, ayaa ku xusan qoraalka.

xigasho/BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.