Maxaa hortaagan dhamaystirka Heshiiska Sanchez iyo Manchester United? (Wax badan ogoow)

0
32

(Manchester) 16 Jan 2018 Manchester United ayaa si xowli ah ugu sii dhawaanaysay dhamaystirka saxiixa Alexis Sanchez tan iyo markii ay soo gashay tartanka isbuucii hore.

Laakiin waxaad moodaa inuu hakad soo galay wararkii xowliga ku socday ee Man United la xiriirinaya Sanchez, taas oo lagu sii daray in Chelsea ay goor dambe soo gashay tartanka.

 

Wariyaha reer talyaani ee Gianluca Di Marzio ayaa ah shaqsiga la rumaysan karo waxyaabaha uu ka qoro arinta Sanchez iyo Man United maadama uu xiriir fiican la leeyahay wakiilka Henrikh Mkhitaryan ee Mino Raiola kaas oo qayb ka ah heshiiska United ay ku doonayso Alexis Sanchez.

Gianluca Di Marzio ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu shuruuda gaarka ah kala heshiiyay Manchester United, isla markaana laacibku uu markaan diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Balse heshiiska waxaa qayb ka ah Mkhitaryan kaas oo la doonayo inuu u dhaqaaqo dhanka Arsenal, waana halkaas meesha dib u dhaca saxiixa Sanchez uu ka jiro.

Henrikh Mkhitaryan iyo Arsenal ayaan wali ka heshiin shuruuda gaar ka ah gaar ahaan sanadaha uu saxiixayo heshiiska iyo mushaarka uu qaadanayo isbuucii.

Wuxuuna intaa ku daray Di Marzio, in haddii is afgarad ay gaaraan Arsenal iyo Henrikh Mkhitaryan in Sanchez uu si toos ah ugu wareegayo Manchester United haddii amar kale uusan dhicin.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Alexis Sanchez loo diyaariyay lambarka “7” ee kooxda Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.