Maxaa keenay iney maxkamadda Suudaan ka noqoto xukunka dilka ay horay u ridday?

0
212

Maxaa keenay iney maxkamadda Suudaan ka noqoto xukunkii dil ah oo horay ugu ridday gabar ninkkeda dishay.
Noura xasan waa 19 jir, qareenka u doodda ayaa waxay sheegtay maxkamaddu iney xukunki hore ee dilka ahaa ay ugu beddeshay 5 sana oo xarig ah.

Noura hooyadeed oo la yirahdo Zeynab Axmed ayaa BBC-da u sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay in la badbaadiyo nafta gabadheeda.

Olola caalami ah oo looga magac daray “Noura xorriyadda ha loo soo celiyo hana la sii daayo” ayaa muddaba socday.

Bishi la soo dhaafay Maxkamad Islaami ah oo ku taallo dalkaasi Suudaan ayaa waxay Noura Xassan ay ku xukuntay in daldalaad lagu dilo, iyada oo lagu soo eedeeyey iney dishay seygeeda Abdulrahman Mohamed Hammad.

Noura waxay sheegtay inuu u adeegsaday wiilal ay ilma adeer yihiin oo ay u qabteen sidaana uu ninkeeda ku kufsaday.

Maalin labaaddi marka uu isku dayay inuu marlabaad i kufsado ayaa waxay sheegtay iney torri ula soo baxday kaddibna ay gelisay dhowr jeer ilaa uu ka dhinto.

Noura Xuseen iyada oo 16 jir ah ayaa ninkeeda ay dili doonta qasab looga guuriyey. Ninkaasi oo adeerna ugu qummanaa 16 sanana da’ ahaan ka weynaa.

Warbixin ay 2017, soo saartay hay’adda UNICEF ayaa waxay ku sheegtay gabdhaha ku nool dalkaasi Suudaan in loo guuriyo inta ay da’doodu gaarin 18 jir.

Hay’adda Amnesty xukunka 5 sano waxay ku tilmaantay ganaax aan munaasab ahayn.

Waxayna hay’addu ay dowladda Suudaan ugu baaqday iney dib u habeyn ku sameeyso shauruucdeeda la xiriira guurka iyo kufsiga guurka dartii ku dhaca.

Noura hooyadeed waxay sheegtay marki uu ninkeeda kufsaday iyada xataa iney aad u nacday oo ay waji fiican siin weyday.

Iyada oo toorri soo qaadatay oo dhowr jeerna isku dayday iney qudha iska gooyso arrintaasi oo murug aad u weyn ku abuurtay.

Noura waaliddiinteeda marki ay soo dishay ninkeeda iyaga oo ka cabsi qabo iney tallaabba aarsi ah ka qaadaan qoyska ninka dhintay ayaa wuxuu aabbaheed dhammaan reerkiisa uu geeyey saldhigga booliska si amniga qoyskiisa loo sugo.

Go’aankan dambe ee ay maxkamadda qaadatay kuna beddeshay xukunki dilka ahaa 5 sana oo xarig ah ayaa si weyn looga soo dhaweeyey caalamka gaar ahaanna qaybaha u ololeeya xuquuqda haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.