Maxay Ahayd Sababta Rudy Loo Bedelay Qeybtii Hore Ee Kulankii Germany Vs. Sweden

0
34

Khadka dhexe ee Germay Sebastian Rudy waxa uu caro xoog leh ka qaaday kaddib markii uu qeybtii hore ee kulankii Sweden uu bedelay Joachim Low.

Laacibka Bayern Munich waxa uu safanayey kulankiisii ugu horreeyey ee koob aduun ciyaartii ka dhacday Sochi.

 

Hase ahaatee, Rudy waxaa loo bedelay qeybtii hore sabab CAJIIB ah.

Khadka dhexe waxaa kab wajiga uga dhuftay Andreas Granqvist, walow ay ahayd kuuma kasin, hadana waxa uu u baahday in la soo dabiibo.

Rudy waxa uu ka baxay gegida, waxa uu iska bixiyey funaanaddii dhiigeysay halka uu iska tir tiray dhiiga waxaana ku soo hareereysmay diktooro.

Xilli uu xiddigga sugayey in uu dib gegida ugu noqdo, waxaa muuqatay in ay xiddigaha Germany ka xaaaqeen waqtiga ay qaadaty in uu ku soo laabto garoonka waxaana lagu badalay Ilkay Gundogan.

Maadama uu Rudy bixiyey ishaar ah in uu diyaar u ahaa ku laabashada garoonka, tebiyihi ciyaarta waxa uu ku tilmaamay in wixii dhacay ay sabab u ahayn Germany oo aan haysan FUNAANAD kayd ah oo ay siiyaan Rudy kaddib markii ay ka wasakhowday tii uu xirnaa.

Rudy waxa uu dhawr daqiiqo taagnaa isaga oo feero qaawan waxa uuna intaa kaddib aaday kaydka oo uu isku tuuray isaga oo carreysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.