Meel Madaxa Ka Saraysa Oo La Salaaxaa Ma Jirto ( Abdi-Shotaly) .

0
165

Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawadda lama
gaadhayoo, geed dheer bay saaran tahay, waa murti l yaab leh, oo inoo
biniixi-naysa, marka qofku garan waayo, taladu halka saxa ah ee ay ku
jirto, lagana dooni karo xal-keedda, ka bacdina uu isku meeeraysto siddii
simbir garab la’, oo dhulka rafanaysa, xaqiiq ahaana, wax ay u
kordhi-naysaa ay tahay saabuun xoor laga waayey (Saabuunta haddii xoor laga
waayo saabuun maaha). ujeedo  iyo haatan, markaan taabto nabarka ay
booga-dhaya-yaan ama gudbina-yaan isku darka weedhaha sare ku qorani, oo
hoos imanaaya cinwaankan, taas oo ah sarbeebta aan ku bilaabay qoraaalkan,
waxay isugu biyo shubana-yaan, arin, muraad iyo tallo qaloocatay, oo
marin-keeddii laga baydh-shayay, la raac-siiyeey wadiiqo khaldan, ka dibna
faraha ka baxday, kugu sal balaadhatay, oo aad maarayn kari la’dahay, ilayn
waxad u diidan tahay siddii toos-nayde, welina uma jeedide, intaas oo dhan
iyo xumaan ka sii daran, baa askariga meesha qaylinayaa, siddii diig intaan
waagu beryin isla sare kacay, oo ay la yaabeen kuwii kale daakiraadda
wakhtigan ah, baa sidoo kale dhegaha faraha la geliyey, anshax daridda
maamul-Goboleedka askartu walaaqa-nayso iyo afcaasha ay ku kacayaan.

Nin sabool ah iyo awrka raray, way sibiq dhaqaa-qaane, labada-ba hadaan
seeto celin, socod ma daayaan, intay degel saac leh daaq leeyihiin, baa
bahal surmee-yaaye, surka ayuu kala jaraa saacad dabadeede. akhristaw, aan
hoos u daadego’e, Garaxjis wuxu leeyahay gudi loo xilsaaray, kana mansuul
ah, wax kaste oo khuseeya, haddii ay siyaasad tahay, dhaqan, tallo, maamul
iyo wixii soo raaca ee kale-ba, iyakaana loo daba fadhii-sanayaa, Waxan ay
yihiin kuwii lagu soo doortay “Shirkii Buurta Gacan Libaax”. wixii aan
iyaka ahayn ee uu u yeedho askariga la yidhaaho ” Raggii ma adigaa ka
hadhay” waxay ku sifooba-yaan, dameer-kaas cudurkii fardaha galay laga
raadinaayo, reerka Garxajisna wax ay u goyn karaan ma jirto, qaar wax loo
dirto-na maaha, ee waa weji ku macaash iyo waayeelka jaqaf-sadda. Ruuxa
doonaaya beesha sare ku qoran, in uu amuur kala xaajoodo ( Nooc ay tahay-ba
xaajadu), waa haduu rabo in uu wax saxo, ee aanay ka hayn is yeel-yeel iyo
geed sare waab, wuxu raad-sadaa cidda ay wax ka go’aan, ee kuma soo
warwareego dhuuni qaate, qadhaab doon ah, waxa la yidhi “Meel Madaxa Ka
Saraysa oo La salaaxaa Ma jirto’e” waxa loo badheedhaa, oo la wejahaa halka
uu mililku jiifo, oo boogta buu dilaaciyee, inta aanu nabarku sii qudhmin.*

Isku soo duuboo, ” Nin Soori Kaa Qaaday, Waa Nin Seefi Kaa Qaadaye” aan
ka rogo runta lagu hadoodi-laaayo go’a been-beenta ahe, Koofiyad
bacla-yaasha shalay, uu farta ugaga yeedh-yeedhay Burco, Askariga Guriggii
Moorgan ku jiraa, ee weliba isaga ka sii xumi, wanaag iyo waan-waan mid ku
tallo galay maaha, umana jeedo ee waa munaafaq xaaran yahan ah,
haba-yaraatee,cidi usgageed oo u nadiif ahi ma jirto, waxa maskax-diisa
yari ay ku tidhi ” waatii lagu yidhi la kulan garxajis, ee muxuu ugu soo
fadhiisan waayey kuwii loo egmaday, bal inuu hanfade waalan yahay hadi
la’aan-tiisa, “afar biidhi-qaate buu u yeedhay”, isaga oo is leh ku kala
xad, si ay kuugu hirgasho kala jebin-toodu, weliggii kuma uu seexan, kumana
soo toosin wax hagaaji, ilayn illaahay-ba uma abuurine, tanina waa tuu sii
eedaayey, iyo mar kale oo uu qarda-jeex ku dhex dhacay, kayn oodan ah oo
aanay cidi u diranin, lama dego buu sii jibaaxay iyo bankii giriyaad ee
wadda abeesadda ahaaye, halkaa ha ku ban-jaro. Kuwa siddii Sakaaradda laaca
dabinka loogu xidhay-na, ee Burco laga soo ururiyey, iyana waxay ka dhigan
yihiin, sakaaro Jiilaal uu ninkii dabinka u xidhay, intay ay u gashay uu
mididdii cunaha kaga hayo. oo gacan-tiisa ka wii lehe, la idin baraye,
intiina yar ee la idiin laabay iska sooqaata, maba filaayo, in uu wax idiin
dhiibaayo’e. Ugu dambayn hunguri wax aan marayn lagu dayaa, wuu ku
mergadaaye, dhagaxa malabka la idiin mar-mariyey, meel ha idin geeyeen.

–  N.B Nin Soori Kaa Qaaday, Waa NIn Seefi Kaa Qaaday”
–  Qore:- Abdi-shotaly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.