Meelna Uma Socdo! Arsene Wenger Oo Ka Dhawaajiyay Inuu Xilli Ciyaareedka Dambe Leylin Doono Arsenal – Si La Mid Ah Mesut Ozil.

0
30

Tababare Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuusan xagaaga soo aadan ka dhaqaaqi doonin garoonka Emirates Stadium isla markaana uu joogi doono ilaa bartamaha 2019, waana marka uu dhamaanayo qandaraaska uu dhawaan u saxiixay kooxdiisa.

Mustaqbalka Arsene ayaa mugdi weyn la galiyay kadib markii warbaahinta talyaaniga iyo Ingiriiska ay isku raaceen in Carlo Ancelotti uu badal u noqon doono iyadoo kooxda ay u baahan tahay dib u habeyn weyn madama ay macquul tahay iney waayaan Sanchez & Ozil oo qandaraaskooda uu kaga haray kaliya 6-bilood.

Wenger wuxuu qiray in Sanchez la iibin doono bishaan, balse  waa markii ay helaan badalkiisa sida uu shirkiisa jaraa’id ee shalay ku sheegay, balse waxaa la filayaa in heshiisyo laga saxiixo Mesut Ozil iyo Jack Wilshere.

Arsene Wenger haatan waa 68-jir ayaa hoos u dhigay, sababtoo ah wuxuu ka walwalsan yahay in lagu celiyo wixii dhacay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markii mustaqbalkiisa uu noqday mid qalqal weyn la galiyo sidoo kalana isbuucyo uu ahaa mowduuca koowaad ee warbaahinta.

“Waxaan ahay mid mar walba ay ka go’an tahay, waxaan halkaan joogaa 21-sanadood” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Sidaas darteed go’aan walba oo aan kaligey sameeyo waa mid u wanaagsan kooxda, miyaan joogayaa hal sano ama toban sano, dhab ahaantii waa isku mid”

“Heshiiskeyga ayaa cadeynaya taas, miyaan waligey baxayaa? lagama yaabo, Maxaan u badali waayay? ayuu yiri Wenger mar la weydiiyay hadii uu xilli ciyaareedka dambe maamuli doono Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.