Mid ka mid ah Amiirada Qatar ayaa sheegay in uu ku xidhanyahay Imaraadka.

0
45

Amiir  ka tirsan  qoyska xukuma Qatar ayaa sheegay inuu ku xidhanyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey YouTube-ka ayuu Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ku sheegay in uu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan xidhanyahay.

Wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaadha uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadku.

Sannadkii dhamaadey ayuu Sheekh Cabdallah  wadahadallo heer sare ah ku galay Sucuudiga ka dib markii boqortooyada Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay. Qatar ayaa se ganafka ku dhufatey eedaymahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.