Miiraalaa Hortii Baa Biyaha La Iska Moosaaye (Abdi-shotaly)!

0
171

xidhaa maqasha nayloode, Miiraalaha hortii baa biyaha la iska moosaaye
(IHN Waa Tima-cade), oo micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka
sii feejignaw, waa  xikmad aad u qiimo badan oo loo daliilsan karo, amuuro
fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo
mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas
samaysay-na ay isku canaanato,  iyaka oo raba in ay dib u saxaan,
farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku
dhaqaaqeen ee  dhaliyey khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka
abuurantay khaladkii ay galaan, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen
maarayn-teedda, waxa ka qabash-dda waxa ay diidan yihiin, oo ah tallo
xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo duunyo ahi marka ay qoobka ku
dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii  saamaysay, dib uga
tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u tafa-xaytaa in
uu ka soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo’e, gun dhiga cinwaanku waxa uu
tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu
qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una  maleegto siddii uu ugu soo noqon
lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in ay dhacaan wixii uu markii
hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay,  soona yareeyey
rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.

Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu sheegye” Halkii Qorigu Kaa Muday,
Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula Marin”, Markan hoos u
dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo halka I manakh leh,
ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar iyo
lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho, wixii aabahii
dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay “Salaadu ka xidhmi la’dahay” markuu
wax isku dayo-ba ay bog-cadka iskaga rogaysaa,  waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha
ka gawacaya, ee uu dhuub dun ugu geli la’yahay? qofku waa in uu u
xisaab-tamaa, si rasmi ahna una dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto,
waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu ka
dhaxli doono ka  sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo
galo, in fari  tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi,
sidii hore ugu dhacday. Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan
tusaale ku qoro halkan ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysata
maamulka Somaliland, in ay ahayd ka fiirsasho la’aan iyo inaka oo isku
maqanayn. Ta inala durugtay oo aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? yaa
inoo wacan? qofkee baa ina wadi kara?  Xusbigee aan denbi hore soo gelin?
yaad isku aamini kartaa? iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala
kulana-na waa taas aan ka nuuxsan  la’nahay, ee ilaa imika inagu jiifta
Hashii caweer ( ee Cigaal Shidaad), welina aan la hinqan la’nahay, waxa
misana ii sii cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha
la’ayd iyo is mood-siis aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore
baa loo yidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na
lagama indho qarsado’e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo
i siiyey in aan guriggii madoobaa, ku sii hungoobayno madhnaa mar kale,
kana miisayno maskax la’aan ka xun tii hore, ee aan ku jabnay, oo ay
durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay, cid  is waydiisay-na aanay
jirin.

Balaaydu inta aanay boqnaha ku goyn, ee aanay seeftu mar kale inala
tegin, saw maaha in aan iska jirno qaran jab-keena, batarka beenta  ah
ee baloolaydda la ina maqashii-naayo, oo aan mar qudha garano waxa inoo wacan,
iyo waajibka inaga saaran horumar-keena iyo siddii aan isaga qaban lahayn, kuwan
hagar-daamo, iyo kale eri oo in yar la soo hadh, qaar iska ilaali, gobolo
la siiyey Majeerteen, sool oo ana faro ku jirin, wadnaana farta lllagu
hayo, wakhti kaste-na la filaayo in ay u gacan gasho kan indhaa kala jeeda
ee badhisaabka ka ah Puntland. xoolo urursi iyo  dhuumasho  ay is leeyihiin
wax baa qariseen, hadana ay baana qoraxdu duhur tahay illaah ku kashifay,
been uun la hurgufaayo, is yeel-yeel aan dhana-ba jirin, oo hoosta ka
qalaalan, xataa waxa ingu wiirsa-naaya  DDS, waa kaas kii kiilka shanaad ka
madaxdda ahaa, uu yidhi argagixiso baa Somaliland ku nool, cid kale-ba ha
sii joogtee, sidaas awgeed bal waxay askar-tani inoo sheegayso, ee ay
Meesha ku hayaan waa maxay? saw ka kac iyo wax huu-haaya maaha? Waxay ku
mudo dheeraysa-nayaan ka sii xoogsiga ay ummadda ku hayaan, waalidda sii
afar qaadaysa, taas oo dlakii gobol-ba gaar u dirtay, wax wadda socdaana
aanay jirin, ee ay ku malabsa-nayaan, daba-leefyo loo adeegsaday reert
walba sidda ka ” Habo Caaye” ee bilaa akhlaaq-dda ah, ee ansh-xumo
daraadeed uu war-bahainta ugu dhiibtay, ilayn waa meel loo balamaye in loo
dhameeyo’e.
waxan ku soo xidhay, qabyaaladdii iyo boobkii is bahaysatay ee aad ku
taageer-teen, isku xaafad baanu nahay, ka soo maal hadaba, waa idinkaa
adhaxdda seef isku kala badhaye, ee meel ay cuskato la’dahaye. Ku quuso
qudhaanjooy, waa taa hadda geeri-go’an ku habstay somalilande.

N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula
Marin.
Qore:- Abdi-shotal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.