Muuqaal :Xarunta Hay’adda Save The Children oo la weeraray

0
72

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday Xarunta Hay’adda Save the Children ee dalka Afghanistan, iyada oo ay rasaas ka socoto gudaha Xarunta.

Xafiiska Hay’adda  Save the Children  oo ku yaalla  Magaalada Jalalabad ee dalka Afgahnistan ,ayaa markii hore lagu dhuftay gaari qarax ka buuxa, waxaana kaddib gudaha u galay rag hubaysan iyada oo durba 11 qof oo dhaawac ah laga soo saaray.

Ciidamada Dowladda ayaa tagay goobta, waxaana ay dagaal kula jiraan ragga hubeysan ee xaruntaas ku jira hadda.

Dhismaha uu dagaalka ka socdo waxaa ku dheggan Dugsi ay dhiganayeen Carruur badan oo ay hay’adda gacanta ku hayso, waxaana ay kala carareen markii qaraxa iyo raasaasta ay billaabatay.

Hay’adda Save the Children, waxa ay dalka Afghanistan ka qabataa waxbarashada, Caafimaadka iyo nafaqeynta Carruurta.

Afhayeen lagu magacaabo Ayatullah oo dowladda u hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku howllan yihiin sidii kooxdaas ay uga saari lahaayeen dhismaha.

Xilliga weerarka shaqaalaha xafiiska Hay’adda ayaa shaqadooda galay,iyada oo laga wal walayo in khasaare badan uu ka dhalan karo.

Let’s block ads! (Why?)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.