Nabad Sugidda Jubbaland oo Kismaayo ku soo bandhigtay nin ka soo goostay ShabaabJuly

0
28

 

 

 

Jubbada  Hoose(arooryomedia):Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxa ay ku soo bandhigeen nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kuna soo biiray Jubbaland.

Goobta lagu soo bandhigay ninkan Shabaab ka tirsan ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Dambi baarista ahna Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland Korneel Axmed Muuse Xirsi iyo saraakiil ciidan.

Ninka Shabaab ka tirsan ee isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Huudow Cabdi, wuxuuna xilliga Jubbaland ku soo biirayay uu watay Qori AK-47 ah iyo Booshashkiisa.

Taliyaha laanta Dambi baarista Jubbaland ahna Taliyaha Nabad Sugidda Korneel Axmed Muuse Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay Qoriga iyo Booshashkii uu watay Aadan Huudow inay u lacageeyeen, Jubbaland ay la wareegtay.

“Waxaa isa soo dhiibay Aadan Huudow Cabdi oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, warbixintiisa horey ayaa looga duubay, wuxuuna la soo galay Qorigan iyo Booshkan oo aan u lacageynay, dhalinyarada kale waxaan ugu baaqeynaa inay ka soo goostaan Shabaab.” Ayuu yiri Taliye Axmed.

Dhalinyaro u adeegta Al Shabaab oo fekradaha laga qalday ayaa ka hawlgala Gobolada dalka Somaliya, kuwaasi oo beegsada cid kasta oo xiriir la leh dowladda Somaliya iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira, waxaana qaarkood marka ay gartaan inay ku shaqeynayaan fikir qaldan ayay isa soo dhiibaan.

Arooryomedia/jubbada hoose

Info@arooryomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.