Nacho Fernández Oo Garan Waayay Waxa Uu Ku Sharaxo Waxa Kooxdiisa Real Madrid Ka Qaladay Kadib Guuldaradii Villarreal Ee Kulankii Bernabeu.

0
20

Real Madrid ayaa guuldaro xili danbe ahayd Santiago Bernabeu kagala kulantay kooxda Villarreal oo hal dhibic oo kaliya hadda ka hoosaysa Real Madrid oo kaalinta afraad ku jirta halka haddii ay Sevilla guul ka soo gaadhay Alaves ay dhibco la wadaagi doonto Madrid.

Xidiga ree Spain ee Nacho Fernández ayay ku adkaatay in uu sharaxaad u helo waxa kooxdiisa ka qaldamay wuxuuna ku dooday in aanu xaqiiqdii garanayn waxa kooxdiisa ka dhex socda basle waxa uu sheegay in maskax ahaan ayna diciif u ahayn.

 

Nacho Fernández oo markii uu soo dhamaadya kulankii Bernabeu waraysi siiyay BeIN Sports ayaa  la waydiiyay waxa kooxdiisa ku dhacay wuxuuna ku jawaabay: “Xaqiiqdii anigu ma garanayo, taasi ayaa runta ah. Waxaan filayaa in aanu maskax fiican haysano isla markaana aanu kulanka oo dhan dagaalanay. Villarreal waa koox jecel in ay boosishanka haysato marka ay helaana weeraro deg deg ah nagu soo qaadaysay”.

Nacho Fernández oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Ma aha wax maskax ahaan ah, cida ugu horaysa ee cadhaysani waa anaga naftayada, haddii aan furnaado anigu ma garanayo waxa qaldan ee socda”.

Nacho Fernández oo ka hadlaya shaqadii adkayd ee ay qabteen kulankii Villarreal ayaa yidhi:”Maanta waxaanu dareenay in ay ahayd markii aanu doonaynay in aanu guulaysano, laakiin bilawgii sanadku wax fiican muu ahayn. Anagu waxaanu nahay Real Madrid isla markaana waligayo madaxayaga ma tuuri doono, waxaanu u baahanahay inaanu u shaqayno sidii abid ugu adkayd”.

Intaa kadib Nacho Fernández ayaa wax laga waydiiyay haddii Real Madrid ay xili ciyaareedkan ku guulaysan karto La Liga inkasta oo ay 16 dhibcood ka hoosayso Barcelona wuxuuna yidhi: ” Markasta oo aanu kufno waxaanu naftada u sheegnaa in aanan wax walba lumin, waxaan wali aaminsanahay in ay jiraan dhibco badan oo la qaadan karaa, laakiin caqli ahaan markasta oo aanu dhibco limino way sii yaranaysaa”.

Nacho Fernández ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: ” Wali waxaa jira wax badan oo ay tahay in loo ciyaaro, waxaanu u dagaalamaynaa saddex tartan. Usbuuca soo socda waxaanu leenahay kulan Copa Del Rey ah isla markaana waxaanu u huri doonaa wax walba”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here