NISA Oo Gacanka Ku Soo Dhigtey Mid Ka Mida Xubnihi Ka Danbeeyey Qaraxi Hotel Saxafi.

0
139

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay lagu soo qabtay mid ka mid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii bishan November.

Qoraal lagu soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka Amniga ay ku guuleysteen soo qabashada mid ka mid ah raggii maleegay weerarkaas, lana horkeeni doono sharciga.

Weerarkii Hotelka Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 50-meeyo ruux, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas waxaa u ahaa kii u horeeyay ee noociisa qaraxyo xiriir ah ku bilowda.

Inkastoo qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA uu ahaa mid kooban, lama sheegin magaca qofka la soo qabtay.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa muddooyinkii u dambeeyay barta Twitter-ka ku shaaciya xogo la xiriira howlgalo lagu soo qabtay shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Ma jirto tafaasiil intaas dheer aad oo laga bixiyo howlgalada ciidanka Amniga sameeyeen, marka laga reebo un in howlgal dhacay iyo xubin ka tirsan dhaq dhaqaaqyadaas dowladda ka soo horjeeda la soo qabtay.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo bil ka hor uu iska casilay Agaasimihii Hey’addaas, ayaa waxaa hada kusime ka ah Agaasime kuxigeenka Hey’adda Fahad Yaasiin oo ah xilligan ninka kaliya ee ugu awoodda badan Hey’adda, maadaama markii horeba hey’addu hal kuxigeen laheyd, kaddib markii xilalka laga qaaday Labadii Kuxigeen ee hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.