Oggow: Muxuu Yahay Khaladka Ay Dadku Ka Siman Yihiin Xilliga Ay Gacmaha Dhaqanayaan

0
90

March 3, 2018 (Arooryomedia-Hargeysa)- Gacmaha oo la maydhaa waa arrin u wanaagsan nadaafadda qofka, laakiin waxaa caddaatay in malaayiin qof ay gacmahooda u nadiifiyaan waddo khaladan oo keeni karta in ay cudurradu ku faafaan.

Haddaba qormadani koobaan oonu ka soo xiganay mareegta Maandeeq Fm waxa lagu iftiimanayaa khaladaadka ugu wayn waayen ee inta badan ay dadku si siman u galaan wakhtiga ay gacmaha dhaqanayaan ama maydhanayaan.

Haweenayda caanka ah ee khabiirka dhanka Pharmacist-ga  ee ka tirsan Lloyds Pharmacy, lana yiraadho Anshu Bhimbat ayaa jariidada “Mail” u sheegtay daliil cilmiyeed ku saabsan habka ugu habboon ee gacmaha loo maydho, waxayna sheegtay khaladka ay dadbadani ku dhacaan oo cudurradu ay ku faafaan, dadbadani ay ku dhaqaan xilliga ay guriga joogaan.

Waxay tidhi: “Waxaa muhiim ah in aad gacmaha ku qalajisato adigoo adeegsanaya warqad ama maro cid kale aan ay kula isticmaaleyn, si looga dhowrsado in bakteeriyada ama fayrusku uu faafo.

Waxay caddeysay, in ay qoysku shukumaan qura u adeegsadaan qalajinta gacmahooda ay tahay khaladka caanka ah oo dadka intiisa badani ay ku dhacaan, cuduraduna ay ku faafaan.

Anshu waxaa kale oo ay dadka la wadaagtay, talooyin ku aaddan xilliga hurdada, marka uu qofku qufaca hayo ee uu hargabsan yahay, waxayna tidhi: “Haddii hargabka(durayga) uu kuu keeno hurdo la’aan, waxaa aad u fiican in daawooyinka laguu qoro aad qaadato xilliga habeenkii, arrintaasi waxay khafiifineysaa xidhanka sanka, hurdadadana si fiican ayaad u seexan kartaa.”

arooryonews – Hargeysa, Somaliland 

Hargeysa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.