QARAN KAAB(LEADERSHIP)________QOF KAAB (GUUL_WADDE)

0
96

QARAN KAAB(LEADERSHIP)________QOF KAAB (GUUL_WADDE)

Hadii aan maanta ku amaano weliba mid xad dhaaf ah oo aanad u qalmin aniga oon si xeel dheer uga bogan qofnimadaad iyo qiyamka dhabta ah ee aad leedahay, aniga oo aan isbarbardhig ku samayn karin saamaynta togan iyo ta taban ee dhaqan bulsheedkaaga.

Wax sidaa si la mid ah beri dhici karta in aan ku caayo, oo aan qofnimadaad in aan wax ka sheego ay ii fududahay , taasna wax lagu sifeeyaa degdeg iyo damiir xumo.

Ugu danbayn hadii aad labadaa ficil ee aan kor ku soo sheegay aad ku caantahay waxaad caayaysaa garaadkaaga iyo jiritaanka qofnimadaad, sidoo kale waxaad noqonaysaa qof ku meel gaadh ah laakiin ma noqonaysid qof rasmi ah.

Weligaa fikirkaaga iyo mabdaaga ha ku bedelan lacag, xil iyo xoolo toona, laakiin noqo qof tanaasulka yaqaana iyo dhegaysiga dadka kale isla markaana leh awood go,aan qaadasho.

Qof walbaa wuxuu leeyahay qiimo gaar ah iyo qaderin sugan, isku day in aad qof walba dhigto ama geyso halkuu u qalmo adigoo aan ku qiimaynayn qabiil, qoys ama xil iyo mansab uu hayo.

Taasi waxay kaa caawinaysaa in aad ka fogaato qof aad shalay ku amaantay wax aanu u qalmin aad isla beri ceebihiisa keento isla meeshii aad ku amaanaysay waana daciifnimo iyo doqoniino is barkan, waana sida ay maanta u dhaqmaan siyaasiinta iyo dhalinyarad socod baradka ah ee siyaasad ku dhex jiraa.

Wa bilahi tawfiiq.

W/Q: Kayse Abdullahi Dhisaaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.