Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Chelsea Iyo West Brom Ee Kulankii Ay Blues Guusha Ku Gaadhay Stamford Bridge- Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

0
31

Chelsea ayaa tubta guusha ku soo laabtay kadib markii ay 3-0 uu awood sheegatay West Brom kulankii Stamford Bridge ka dhacay waxayna guushani timid waqti ay Blues si wayn ugu baahnayd in ay kalsooni u sii abuurato kulanka muhiimka ah ee ay Barcelona soo dhawayn doonto.

Eden Hazard oo laba gool dhaliyay iyo Victor Moses oo hal gool shabaqa ku gaadhay ayaa culayska ka fududeeyay Antonio Conte waxayna guushani Blues ka caawisay in ay kaalinta saddexaad dib ugu soo laabto iyada oo Spurs gadaal iska marisay.

 

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood iyada oo qaybtii hore uu kulankani ahaa mid labada kooxoodba ku adkaa balse uu Hazard gool kaliya Chelsea hogaanka ugu dhiibay halka qaybtii labaad ay Chesea ciyaarta dishay.

XIDIGII GAROONKA: Eden Hazard ayaa kulankan markale noqday xidigii garoonka isaga oo ilaa hadda ah xidiga ugu muhiimsan kooxda Antonio Conte ee ayna sida xun u saamayn natiijooyinkii musiibada ahaa ee kooxda Antonio Conte soo maray. Hazard ayaa qaab tayo sare leh u dhaliyay goolkiisii kowaad wuxuuna noqday xidiga qiimaynta ugu saraysa kulankan ka helay.

Bandhiga ciyaartoyda Chelsea ayaan wali ahayn mid heerkii ugu sareeyay ahaa balse waxay ugu yaraan si fiican uga soo kabsadeen xaaladii aan sharaxaad lahayn ee ay ku jireen. Moses iyo Azpilicuata ayaa sidoo akle bandhig fiican sameeyay.

QIIMAYNTII CIYAARTOYDA LABADA KOXOOD:

Chelsea: Courtois (6), Azpilicueta (7), Rudiger (6), Christensen (6), Moses 7), Kante (6), Fabregas (6), Zappacosta (6), Pedro (6), Giroud (6), Hazard (8).

Badalkii: Cahill (N/A), Willian (N/A), Morata (6).

West Brom: Foster (6), Dawson (5), Hegazi (6), Evans (6), Gibbs (6), Phillips (6), Barry (6), Krychowiak (6), Brunt (5), Rondon (6), Sturridge (5).

Badalkii: Burke (5), Rodriguez (6).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here