Rafael Benitez Oo Ka Warbixiyay Sababta Ugu Weyneed Uu Ugu Guul Dareystay Waayihiisii Tababarnimo Ee Kooxda Real Madrid.

0
51

Macalinkii hore kooxda Real Madrid haatana leyliya kooxda Newcastle United Rafael Benitez ayaa wuxuu ka hadlay mudadii uu maamulayay garoonka Santiago Bernabéu, isagoo sidoo kale tilmaamay sababta ugu weyn ee ka dambeesay inuu ku guuldareesto mudada yareet uu macalinka kasoo noqday Los Blancos sanadii 2016.

Rafael Benitez oo la hadlayay majalada caanka ah ee  “France Football” ayaa wuxuu yidhi: “Hadii ciyaartoydu ay ogaadaan in taageerid buuxda uu macalinka ka helayo maamulka kooxda, waxay qorshaha u raacayaan iyagoo wax su’aal ah ka keenin, laakiin marka ay ogaadaan in tababaraha uusan wax taageerid ah ka haysanin maamulka, wax walba waxay u soconayaan si aan wanaagsaneen, waxaana kooxda maamuli doono macalin daciif ah ee aan laheen wax awood ah”.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu dhica kale yidhi: “Madaxweynaha kooxda Florentino Pérez wuu ka war qabay in shaqada aan qabanayay ay aad u wanaagsaneed, laakiin mararka qaar wuxuu la kulmayay cadaadis dhanka banaanka ah”.

Benitez ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Dhibaatadeeda Real Madrid waxay aheed in wareysiyadeeda iyo fikirkeyga in aan loo fahmin sida saxan isla markaana uu abuuri jiray dood badan oo aan faa’iido laheen, waxaan dhihi karaa dhamaan kooxihii aan soo maamulay waxaan kasoo dhaqaaqay iyaga oo si fiican u tababaran”.

Si kastaba Rafael Benitez ayaa loo ,magacaabay tababaraha kooxda Real Madrid sanadii 2015, balse mudo kooban kadib gaar ahaan bishii January sanadii 2016 ayaa waxay maamulka Los Blancos ka ceeriyay shaqadii uu ka hayay garoonka Santiago Bernabéu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.