Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho ku soo wajahan iyo Xogo Ku Saabsan Safarkiisa

0
210

Muqdisho(Arooryomedia):Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, maanta oo Sabti ah sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Villa Somaliya.

Abiy Ahmed, ayaa wararka waxa ay sheegayaan booqashada uu ku imaanaayo Magaalada Muqdisho inay la xiriirto kordhinta xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa xaqiijiyay in Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu tagi doono Madaxtooyadda Somaliya, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dowladda.

Suxufiyiinta ayaa saaka aroortii looga yeeray Madaxtooyadda Somaliya si ay u tabiyaan wararka la xiriira Booqashada Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ee saaka imaanaya Magaalada Muqdisho.

Booqashadan oo aheyd mid horay loo sii qorsheeyay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho lagu dhajiyay calanka dalka Itoobiya iyo midka Somaliya.

 

Ciidan hor leh ayaa lagu daadiyay wadooyinka Magaalada si ay u sugaan ammaanka Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafayba wadooyinka ahaayeen kuwa xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.