Ra’isul wasaare Khayre Ayaa Xaley Kormeer Ku Tagey Qaar Ka Mida saldhigyada Ciidanka.

0
43

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen wasiirka amniga, taliyaha ciidanka booliska iyo taliyaha ciidanka asluubta ayaa xilli dambe oo xalay ah waxaa ay kormeer ku tageen qaar kamid ah saldhigyada ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

Mudane Kheyre oo u kuur galayey sida ay u shaqeeyaan xilliga habeenkii ciidanka booliska ayaa kormeeray xarunta dambi-baarista ee C.I.D-da, dugiga tababarka ee Gen. Kaahiye, taliska ciidanka ilaalada nabadgelyada wadooyinka, xarunta gaadiidka ciidanka booliska iyo meelo kale.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa  r/wasaare Kheyre iyo wasiirka amniga qaranka,  waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda amni ee magaaladda Muqdisho, isaggoona u sharraxay sida ay u shaqeeyaan xilliga habeenkii.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in ay laba jibaaraan howlaha qaran ee horyaalla.

Kormeerkiisa kadib ayuu qoraal kooban soo dhigay r/wasaaraha barta twitterka ee xafiiska r/wasaaraha, waxaana uu u dhignaa sida tan “Dhammaan goobihii aan soo maray waxa aan kusoo arkay Ciidan u diyaarsan inay si hufan ugu adeegaan shacabkooda. Waan ku bogaadinayaa Taliyayaasha iyo Ciidammada kala duwan siday heeganka ugu yihiin habeen iyo maalin dalkooda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here