RASMI: Nicolas Otamendi oo heshiis cusub u saxiixay Manchester City

0
26

(Manchester) 17 Jan 2018 Manchester City ayaa heshiis cusub ku abaal marisay daafaca reer Argentina ee Nicolas Otamendi kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xiliciyaareed kaan.

Nicolas Otamendi ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Man City heshiis ku eg ilaa 2022, wuxuuna ka maqnaaday kaliya hal kulan dhamaan 23-kii kulan ee Man City ay ciyaartay Premier League xiliciyaareed kaan.

 

29 jirkaan ayaa u ciyaaray Man City 118 kulan tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Valencia 2015, heshiiskiisa cusub ayaa ka dhigan inuu la sii joogi doono Man City ilaa da’diisu ka gaarto 34-sano.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan sii joogo sanado badan” ayuu yiri Nicolas Otamendi oo ka hadlay heshiis kordhintiisa.

Laacibka ayaa kor u kac wayn sameeyay xiliciyaareed kaan, wuxuuna laf dhabar u yahay shaxda adag ee tababare Pep Guardiola uu ku tashanayo xiliciyaareed kaan.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.