RASMI: Theo Walcott oo ku biiray Everton (Lambarkee loo xiray?)

0
22

(Liverpool) 17 Jan 2018 Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay in Theo Walcott uu ku biiray kooxda Everton oo ku iibsatay lacag dhan 20 milyan oo Ginni.

Theo Walcott ayaa shalay ka gudbay tijaabada caafimaadka kooxda Everton, wuxuuna u saxiixay heshiis ku eg ilaa 2021.

 

28 jirka reer ingiriis ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub lambarka “11” kadib markii uu ka tagay Arsenal oo uu u xiran jiray lambar “14”.

Theo Walcott ayaa ku soo biiray Arsenal Janaayo 2006, wuxuuna kooxda la joogay 12-sano, wuxuu u saftay 397 kulan isaga oo u dhaliyay 108 gool.

Intii uu la joogay Arsenal wuxuu la qaaday 3 FA Cup iyo 3 Community Shield, wuxuuna ahaa laacibka waqtiga ugu badan u soo ciyaaray Arsenal marka lala barbardhigo ciyaartoyda haatan u ciyaara Gunners.

“Dhab ahaan waan ka murugaysanahay inaan ka tago Arsenal laakiin waan ku faraxsanahay tijaabadayda cusub ee Everton, waxaan u rajaynayaa iyaga (Arsenal) guul mustaqbalka” ayuu yiri Walcott.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here