Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

0
32

(Europe) 16 Jan 2018.Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay isagoona socon doona bishan oo idil, Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa lala saxiixday intaba insha’alaah.

Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Talaado ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:

 

Arsenal ayaa ku jirta wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Gabon ee naadiga Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu badesho 29-jirkeeda reer Chile ee Alexis Sanchez. (Mirror)

Gunners ayaa cadaadis saareysa ka hor inta aysan 53-milyan ugu soo dhaqaaqin Aubameyang 28-jir. (Mail)

Jose Mourinho ayaa sheegay inuu kalsooni iyo kalsooni darraba ku qabin soo xiro galinta Sanchez. (Mirror)

Chelsea ayaa sidoo kale soo gashay tartanka loogu jiro Sanchez balse Manchester United ayaa kalsooni ku qabta inay Gunners u bandhigto Henrikh Mkhitaryan, 28-jir iyadoo qeyb uga dhigeysa heshiiska ay ka dhigi doonto tan ugu cad cad. (Telegraph)

Kabtanka Portugal ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo 32-jir ayaa doonaya inuu dib ugu laabto Manchester United. (As.com)

Xiddiga qadka dhexe ee Emre Can, 24-jir ayaa sheegay inuusan saxiixin heshiis uu xagaaga ugu biirayo Juventus isla markaana uu weli Liverpool kala hadlayo in la ballaariyo heshiiska uu ku sii joogayo Anfield. (Times)

Swansea City ayaa wada hadalo la yeelatay Atletico Madrid oo ku aadan heshiisyada 30-jirka reer France ee weerarka ka ciyaara Kevin Gameiro iyo xiddiga qadka dhexe ee reer Argentina Nicolas Gaitan, 29-jir si ay u keento kooxda inta lagu guda jiro Suuqa Janaayo. (Wales Online)

Everton ayaa isku dayaysa inay Usbuucan dhammeystirto heshiis 20-milyan ay kula soo saxiixaneyso 28-jirka reer England ee kooxda Arsenal Theo Walcott. (Mirror)

Bournemouth ayaa Arsenal u soo gudbisay dalab ay amaah kaga qaadaneyso Walcott inta ka harsan xilli ciyaareedkan. (Sun)

Kooxda ka dhisan La Liga ee Sevilla ayaa kalsooni buuxda ku qabta inay heshiis amaah ah kula soo wareegeyso weeraryahanka reer Belgium ee kooxda Chelsea Michy Batshuayi 24-jir. (ESPN)

Tababaraha cusub ee xulka Wales Rayn Giggs ayaa dar dar galinaya sidii uu saaxiibkii hore ee Manchester United Paul Scholes uga dhigan lahaa ku xigeenkiisa. (Mail)

West Ham ayaa ka cabsi qabta in weeraryahankeeda reer England ay maskaxdiisa ka guuxeyso rajada uu heshiis amaah ah ugu dhaqaaqayo Chelsea. (Mirror)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.