Sababta Uu Taliye Caare Iyo Maleeshiyadiisu U Weerareen Xalayto Ceelafwayn Iyo Xaaladda Ceelafwayn Iminka Sida Ay Tahay

0
483

Sababta Uu Taliye Caare Iyo Maleeshiyadiisu U Weerareen Xalayto Ceelafwayn Iyo Xaaladda Ceelafwayn Iminka Sida Ay Tahay.

Ceerigaabo(Arooryomedia):-Xalay abaaro 12:30 habeenimo  ayaa ciidamada kornayl caare ay weerar  kusoo qaadeen ciidamada Qaranka somalilinad ee ku sugan ceel afweyn.

Jabhadda taabacsan kornayl caare ayaa ciidamada bartilmaameedsanaayay goobo kamida, goobaha ciidamada Qaranka Inkastoo ciidanku Qaranku iska caabiyen jabhaddaasi weerarka habeenimadaa soo qaaday. ciidamada milatariga ee gobalka sanaag ayaa la sheegayaa inay Ka saareen kooxda kornayl caare magaalada ceel afweyn.

Sababta weerarka ayaa lagu salaynayaa iyadoo magaalada ay ku sugnaayen xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda muuse,ilaa haatan labada dacal midina kamay hadal khasaaraha dhinacooda iyo siday ay wax u dhaceen.

wixii danbee warar ah waxaad ka helaysaa www.arooryomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.