Saddexda Dal Ee Koobka Adduunka Ka Hadhay Oo Noqday Muslimiin Carab Ah Iyo Qaabkii Loo Soo Reebay Oo Faahfaahsan

0
215

Tartanka Koobka Adduunka oo galay is-araggii labaad ayaa waxa shanadadahooda xidhay saddexdii waddan ee ugu horreeyey, kuwaas oo kasoo kala jeeda qaaradaha Asia iyo Afrika.

Waddankii ugu horreeyey ee Koobka Adduunka hadhay ayaa noqday Masar oo ka mid ah shanta waddan ee qaaradda Afrika uga qayb-gelaya Koobka Adduunka, kaddib markii labadii ciyaarood ee ugu horreeyeyba lagu garaacay.

 

Kulankii  koowaad ee Masar ay ciyaartay oo uu dhaawac kaga maqnaa xiddigooda Mohamed Salah ayaa wakhtigii dhimashada ay Uruguay ka dhalisay gool madi ah oo ciyaarta ku dhameeyey 1-0, hase yeeshee, ciyaartii xigtay ee habeen hore ay iskaga hor yimaaddeen martigeliyeyaasha Ruushka ayaa lagu dhuftay 3-1 iyadoo uu usoo noqday xiddogooda Mohamed Salah.

Waddanka labaad ee Muslimka ah ee hadhay waa Saudi Arabia oo labadii ciyaarood ee uu yeeshayba lagu karbaashay. Ciyaartii koowaad oo ahayd furitaankii Koobka Adduunka ee Khamiistii hore, Ruushka ayaa ku burburiyey 5-0, laakiin ciyaartoodii labaad oo ay maanta foodda isku dareen Uruguay ayaa 1-0 dirqi ah lagaga adkaaday, waxaana goolka dhaliyey Luis Suarez.

Masar iyo Suadi Arabia oo ku jiray GROUP A, ayaa waxay u duuli doonaan waddamadooda markay ciyaarta saddexaad oo ay iyagu wada leeyihiin ku kala baxaan.

Dalka saddexaad ee maanta hadhay waa Morocco oo ka socday qaaradda Afrika, kaddib markii Portugal ay 1-0 kaga adkaatay.

Ciyaartii hore waxa Morocco sidan oo kale 1-0 ugaga adkaaday Iran oo wakhtigii dhimashada uu mid ka mid ah difaacyahannada Morocco iska dhaliyey gool.

Morocco oo ku jirta Group A, ma laha wax dhibco ah, hase yeeshee saddexda dal ee kale ee ayaa dhamaantood tartami doona illaa ciyaarta ugu dambaysa. Iran oo ugu dhibco yar ayaa waxay leedahay saddex dhibcood, Portugal iyo Spain ayaa iyaguna min afar dhibcood haysta.

Si kastaba ha ahaatee, saddexdan waddan oo laba ay ka socdaan Afrika hase yeeshee Carab ah iyo Saudi Arabia oo Asia ah ayaa noqday dalalkii ugu horreeyey eek a hadhay Koobka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.