Sadio Mane Oo Ka Hadley Ku Biirista Real Mdrid Iyo Ka Qayb Galkiisa Koobka Aduunka .

0
28

Xidiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Senegale ee Sadio Mané ayaa wuxuu ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay joogitaankiisa Reds, wuxuuna hadalka laacibkan uu imaanayaa xili uu laacibka isku diyaarinayo tartanka koobka aduunka 2018.

Sadio Mané ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay lala xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid.

 

Xidiga kooxda Liverpol ayaa isaga oo ka jawaab celinayay wararka xanta ah ayaa wuxuu sheegay inuu xiiseenayo inuu ku guuleysto koobab waaweyn, taasoo ka dhigi karta in qorshaha ay wax ka badalaan, sanooyinka soo aadan.

Sadio Mané ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Salzburger Nachrichten” ee dalka Austria wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda Liverpool, heshiiskeyga wali waxaa ka harsan saddex xili ciyaareed kale, laakiin marnaba ma ogaan kartid waxa dhici doona mustaqbalka, waxaan doonayaa inaan koobab ku guuleysto, gaar ahaan Champions League”

“Si daacadnimo ah, guuldaradii kulankii Real Madrid ee Kiev ma fududa inaad iska ilowdo, kooxda oo dhan waxay ka shaqeyneysay inay ku guuleysato Champions League”.

“Laakiin Real Madrid waxay aheyd kooxda fiicanayd maalintaas, waxaan guuldaro kala kulanay kooxda ugu fiican aduunka, haatan waa waqtigii aan kula ciyaari lahaa Senegal koobka aduunka waxaana doonayaa inaan diirada saaro”

Sadio Mané ayaa hadalkiisa kusoo xiray:  “Ma dareemayo cadaadis, hadii aan runta ka hadlo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka qeyb qaato tartankan, aniga nafsadeyda uma arko sida xiddiga reer Senegal, laakiin waxaan ka mid ahay koox dooneysa inay wax badan ka qabato koobka aduunka 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.