Saraakiil Dawladda Turkey-gu Ciidamada Somaliya Usoo Tabobarayso Oo Muqdisho Ka Dhoofay + [ Sawiro ]

0
88

Moqdisho (Arooryomedia):- Dawladda Dalka Turkey-ga ayaa garoonka Aadan Cade ee magaaladda Muqdisho ka dhoofiyey saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada dawladda Somaliya , kuwaas oo tabobaro kala duwan kusoo qaadan doona dalkaasi.

Wasiirka Difaaca Somaliya ayaa saraakiishaa sii sagootiyey , isaga oo kula dardaarmay in ay tabobarkan kazoo faa’iidaystaan , waxaanay saraakiishani ka koobnaayeen 49 sarkaal iyo sarkaal ku xigeen .

 

Wasiir Xasan Cali Maxamed (Ammar Dambe) ayaa saraakiishan lasii dar daarmay, sidoo kalena sii sagootiyey .

Dawladda Turkey-ga oo hore saldhig weyn uga furatay duleedka Muqdisho ayaa waqtigan wadda qorshe ay dib ugu tabobarayaan saraakiisha ay kazoo saaraan saldhigaasi , kuwaas oo la siinaayo tabo baro dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.