Shaashada Shaashadda Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
123
Shaashada Shaashadda Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com.
Cinwaanku waa laba erey oo aan qoraal ahaan kala fogayn oo xaraf Da’ ah oo keliya ayay is-dheer yihiin. Erey waa xanuun ama cudur sidii carruurtii shaashoon jirtay. Ereyga kalena waa shaashad ama muraayaddan aynu muuqaallada ka daawanno. Dadka qaarkii ayaa dhalada u yaqaan.
Dad badan ayaa ku shaashoobay shaashadda, waxana safka hore kaga jira Sal-ma-dhige. Intaa wuu duryamayaa oo wuu isla hadlayaa. Dadka intiisa badani waxay u haystaan in ay dhegaha wax ugu jiraan oo uu tilifoon ku hadlayo. Haddana wuu tallamayaa. Hibashada iyo haaraanka ayaa ku badan. Maah-maahaha ku soo dhacaya ayaa tammuuxaa ka badan.
Ninkii jiray wuxu yidhi: “‘Lababa isa saaray oo, laba tagoogood is-ma saarin.’ Wuu yaaban yahay oo wuxu ka yaabban yahay si walba oo uu yeelay ilaa maantadaa aynu joogno si teel-teel ah ayuu uga soo baxaa shaashadihii TV-yada iyo kamirooyinka.
Mar kale ayuu waraabihii iyo inantii yareyd xusuusanayaa oo ku cel-celinayaa ma-hadhadii laga reebay. Ku-ye: “Ma Reydabta ayaan Reydabtii ahayn, mise rimaygu-ka-soo-dhacdii yareyd ayaan run sheegayn.” Wuu soo miiraabayaa, markaas ayuu xusuusanayaa waayahan hiirtaanyada beeray ee uu ku nool yahay. Ciil iyo cadho weynaa!
Haddana inta uu illoobo halka uu joogo iyo dadka ku xeersanba ayuu ku tiraabayaa: “Ma qabaxdayda ayaan qabaxdii ahayn, mise sanbabku caddaagan yar yar ee I sawira ayaan saan-saankii sanca-yahankaba lahayn.” Dadka wuxu ugu neceb yahay wiilasha iyo gabdhaha wax sawira ama filimmadaba duuba, weliba kuwa isaga aadka u yaqaan. Wuxu ka sii neceb yahay xaqlayaasha TV-yada, Wargeysyada iyo Mareegaha oo uu aamminsan yahay in aanay wararkiisa jeclayn oo aanay soo deyn ama daabicinba.
Waxa loo yaqaan Sal-ma-dhige. Looguma wan-qalin ee dadweynaha ayaa ula baxay, markii ay ka yaabeen guul-wadayntiisa iyo madax-ammaankiisa. Hooyadii ulama ay bixin. Qoys ahaan Samo-kaal ayaa loogu wan-qalay, bal se intan uu xilalka qaran qabtay ayuu sac-sac iyo wax sawaabanba noqday markaas ayay dadku Sal-ma-dhige ula baxeen. Inta uu la joogo waa ay u qariyaan, mararka uu ka maqan yahay se, kor ayay ugu dhawaaqaan.
Xaaji Silloon waa hiigsi. Wuxu ku dabo lumay oo is-leeyahay gaadh saaxiibkii Saxar-qaad oo isagu ka hayn badan isla markaana xil ahaan ka sarreeya oo ka badiya surimmada looga arooro barta hoggaamineed ee looga taliyo. Wuxu is-leeyahay haabo nin aanu hawaysan karin oo wax waliba u bannaan yihiin.
Sal-ma-dhige ninkan uu hiigsanayaa, xaflad kasta waa uu taagan yahay. Intaa wuxu ku lammaan yahay dhallinyarada saxaafadda oo uu aad u soo dhaweeyo. Badhkood guriga ayuu kula ballamaa, badhkoodna xafiiska. Kuwaasi waa inta uu wax buuran oo dardaaran ku ladhan yahay siiyo. Inta kale ee aan sidaa u sii ridnayn Saadka ayuu kala xidhiidhaa. Kuwa licib-saqiirka ah iyaga, askariga la socda ayuu ku reebaa. Inta uu xafladaha joogo, wuxu ku maran yahay wiilka ama gabadha dadka hadlaya sheeg-sheegaysa. Hadba liiska ayuu iska hubiyaa. Wuxu ku dudduucaa inta aanay dadku daalin ee ay dardarta qabaan in hadalka la siiyo. Meel koone ah oo aan sidaa uga fogayn ‘manbarka’ laga hadlayo ayuu had iyo jeer fadhiistaa.
Saxar-qaad mararka uu imanayo xafladaha wuxu ku dedaalaa in uu ugu dambeeyo oo weliba yar habsaamo. Wuxu jecel yahay inta aanu iman in cabbaar la sugo oo laga sii yar sheekaysto. Wuxu iska soo horreysiiyaa dhallinyaro dadka dhex fadhiisata oo sii ururisa xantiisa mid fiican iyo mid xunba. Doociisa iyo dareenkiisa marka aad u daaddegto, isagu intaas ayaabu ugu jecel yahay.
Dhallinyaradaas, inta aad ugu sii dhaw ee khusuusida ahi dadka ayay maalintaas iyo habeenkaas oo dhan ku dhex wareegaan. Ku-ye: “Wuu soo socdaa…..Immika ayuu gurigii ka soo baxay……Isaga oo soo dhaqaaqayba ayay marti culusi u timid…….Wuu ina hayaa…….Waa ka gooladdan ka soo laabayaa……..Wuu soo galay hudheelka oo waa taas birtii laga qaaday.” Iyo waxaan sakaaro ka biirsan ayay dadku kula dhex wareegaan.
Dhallinyaradaa, mid iyo laba ka mid ah ayaa haya waqtiga dhabta ah ee uu Saxar-qaad madasha imanayo. Qayb dhallinyaradaa ka mid ah ayaa waqtiga uu soo dhow yahay meelaha madasha ugu dambeysa la fadhiisiyaa. Isaga oo la gelbinayo ayuu madasha daf soo yidhaahdaa, markaas ayay barbaartaas ballansanayd sacab iyo mashxarad la oogsadaan. Dadkuna waa iska saarrey e’, waa ay ku daran. Ilaa gaws-dambeedka inta uu ka qoslo ayuu hadba dhinac jeedaaliya isaga oo gacmaha taagaya oo moodaya in niyad-sami iyo kalgacal lagu soo dhaweynayo. Xaasha! Waa dad soo gubtoo jabay. Hoosta ayay hiif, haaraan iyo habaarba ka higgaadinayaan.
Kaasi, waa Saxar-qaad oo ka dubaalad dheer saaxiibkeen Sal-ma-dhige oo isaga haleelka iyo feejignaantuba ku yar yihiin. Sida Saxar-qaad naftiisa ilaa xad uga adag yahay isagu tiisa ugama adka. Waa nin ay nafta iyo hunguriguba ka adag yihiin. Inta badan waxaad mooddaaba in uu iska yahay baadi ambad ah.
zl-ma-dhige aqoon iyo kartiba ibir ayuu ka joogaa, waa se bararafle sida xaydho-weyntu dabka ugu meeraysato, madaxda ugu meeraysta. Dadka intiisa badani waxaabay u yaqaannaan “Ka-qosliye kambal-daaq ah.”
Odeygii baa khudbad jeedinaya, saa waa dhinac taagan yahay. Warqadda yar gariiraysa ee Odeygu akhriyayo, waxaad mooddaa in uu la akhriyayo. Marka uu Odeygu ku dhaw yahay in uu bog dhammeeyaba, wuu haabanayaa oo in uu ka hor qaado ayuu doonayaa. Odeyguna, gacantan ku soo boodday ayuu hadba il-qoodha ka eegayaa oo hadalkii ka kala lumayaa.
Sal-ma-dhige, mararka qaarkood hareeraha ayuu eegayaa oo faraha ayuu fiiq-fiiqayaa, sidii wuxuu amarro aammusan bixinayo. Mararka qaar kuwa kamirooyinka haya ayuu eegayaa oo isha ku gubayaa, markaas ayay inta ay fahmaan isaga ku qabanayaan kamiradda.
Mararka qaarkood Sal-ma-dhige ag-joogga iyo waraaqaha uu gurbinayaa kuma fillaadaan. Inta uu yar cidhibsado ayuu Odeyga dhegta wax u saaraa. Waa dhacdooyinka Sal-ma-dhige ugu jecelyahay, maxaa yeelay dadka qaarkii ayaa habeennadii marka ay daawadaan ku yidhaahda: “Ninka keliya ee Odeyga dhegta wax u saaraa waa adiga. Dadka oo dhan ayaa isku raacsan in aad keligaa tahay nasteexisa oo aad xusuusiso waxyaabaha uu illoobo ama uu ka boodo.” Waa meelaha uu ugu jecel yahay Sal-ma-dhige, waayo inta badan dakhli aanu qorshaysan ayaa ka soo gala. Dad badan oo aan sidaa u sii qodnayn oo arrimo yar yar iyo qaar waaweyniba xagga hoggaanka kaga xanniban yihiin ayaa u yimaadda. Inta badan waxoogaa inta ay u laabaan, ayay ku yidhaahdaan: “Mar uu firaaqo leeyahay bal arrintayda Odeyga hoos ugu sheeg.” Mararka qaarkoodna, waxay ku yidhaahdaan xataa haddii lala joogo sidii Ilaahay ku baray dhegtaba u saar. Qaarkoodna waxay ku yidhaahdaan: “Sidaadii arrinkaa caawa liqsii oo weliba ku dis.”
Shaashada shaashaddu, intaa aynu soo sheegnay iyo meelahaa aynu ka soo sheekaynay oo keliya kuma koobna. Waa wax dal iyo dadba caam yeelay. Qaybaha ugu badan ee nolosheenna oo dhan waa ay saamaysay. Dhibaatooyinka iyo dhiillooyinka dalka ka dhaca intooda badani, waxay ka dhashaan is-jeclaantaas iyo isla-weynaantaas qof waliba naftiisa ka horreysiinayo dantii guud.
In aad iyo aad u yar oo dooc iyo dareenba leh mooyaan e’, dadka intiisii badnayd shaashadaa shaashadda ayaa la tagtay. Dardaar-werintuna waa: “Qof dadkaa ka badan.”
Wa billaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.