SHEEKH MAXAMED CUMAR DIRIR OO KA HADLEY XALADA U DHAXEYSA SOMALILAND & PUNTLAND.

0
85

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed kuwooda loogu jecelyahay, ayaa ka hadlay xiisadda ka oogan Deegaanka Tukaraq, ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa Madaxda Maamulada iyo Odayaasha Dhaqankaba ku dhaliilay in ay muddooyinkan dambe ka shaqaynayeen hurinta colaadda, iyagoo hanjabaado isugu gudbinaya Warbaahinta, xilli ay laaban yihiin dadkii ay kala hogaaminayeen, sida uu yiri.

Waxa uu tilmaamay Odayaashii Dhaqanka inay qabanayaan waxaan ahayn shaqadii lagu yaqaanay, isla-markaana ay ku hadaaqayaan wax lala yaabo.

“Madax Dhaqameedkii waxay galeen kaalintoodii waxaan ahayn, halkii lagu ogaa diin iyo dhaqan inay hagaajiyaan, oo sharafta qabiilkooda iyo tooda ay ka fekeraan, wax lala yaabo oo kareeran baa ka soo kabacaaya.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada ka dhalan karta hub uruursiga ay garabyadaasi wadaan, waxaana uu ku taliyay in wadahadal lagu bedelo colaadda.

Sheekh Dirir, ayaa labada dhinac ugu nasteexeeyay inay u laabtaan diinta, isla-markaana ay qaboojiyaan dhiilada colaadeed ee xuduuda ka oogan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.