[Shiinaha ]: Qarax Ka Dhacay Xarun Warshado Ah + [ Tirada Dhimashada ]

0
76

China (Arooryomedia):- Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay in ay dhintaan 19 ruux ayna ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee Xinhua.

 

 

Masuuliyiinta deegaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xidhiidhto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada.

Arrintan ayaase timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.

Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.

Arooryomedia/London Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.