Shil Diyaaradeed Oo Hada Ka Dhacay Garoonka Muqdisho

0
46

Muqdisho(Arooryo media) Waxaa goordhaw shil diyaaradeed uu ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo garoonka taagnaa.

Sida aan Wararka ku helnay diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagneed oo rakaab ka qaadeysay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Diyaarada Midowga Yurub u kireesan oo dooneysay in goob barkin ah gasho ku dhacday waxyeelana gaarsiisay diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah .

Shilkan ayaan dhalin wax khasaaro ah marka laga reebo waxyeelo soo gaartay labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka oo ku aadan shilkan diyaaradeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.