Shirweynahi Beelweynta Garxajis Oo Maalintiisi Labaad Galay.

0
942

Shirka Beesha Ismaaciil Sheekh Isaxaaq Oo Maanta Ka Furmay Buurta Gacan Libaax ee Gobalka Saaxiil.(Sawiro) Hordhac. Warbixin; Waxa Maanta Sidii Caadadu Ahyd Buurta Gacan Libaax Ka Furmay Shirkii Tol-wanaaje Ee Beesha Ismaaciil Sheekh Isaxaaq (Garxajis), Shirkan Oo Ahaa Mid Sidiisa Loo Ay Ka Qayb Galayaan 550 Ergooyin, Waxa Hadalka furay Xubnaha Guddida Qaban-qaabada Shirka Tol-Wanaaje,2aad, Shirkan ayay kasoo qayb galeen Madax-dhaqameed,& Aqoonyahan Dhalinyaro,& Qurba Joog & Siyaasiyiin & Qaar kamida Xildhibaanada Golaayasha Guurtida Baarlmaanka & Deegaanka, oo ay dhamaantood kasoo jeedaan Beesha Garxajis. “Shirka waxa furay Suldaanka Guud ee Beelaha Somalilanad #Suldaan_Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Waxaana hadalo kooban iska daba maray Shirka furitaankiisa kadib, #Suldaan_Maxamed Suldaan Xirsi Qani & Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar & Suldaan Cismaan Cadde-Gude & Xubno kale oo kamida Madax-Dhaqameedkii & Ergooyinkii kasoo qayb galay Shirka waxaanay dhamaantood ku dheeraadeen mihiida shirka & Ina uu Shirku kusoo beegmay wakhtigii ugu mihiimsanaa, dhamaan xubnaha Ergooyinka Shirka ka qayb galaaya ayaa ah dad u badan madax-dhaqameed & wax-garad, & Aqoonyahan. Shirka ayaa socon doona muddo ku siman 5-cisho waxaana lagu falan-qayn doonaa ayaaha beesha & arimo kale oo badan. Dhanka kale waxa shirka lagu soo casuumay xubnaha Xisbiyada Qaranka ee kasoo jeeda Beesha Garxajis, waxaana maanta furitaanka Shirka kasoo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro & Xubno oo uu kamid yahay Prof Ismaciil Hurre Buubaa Mujaahid Axmed Mirre Maxamed Saraakiil Sare oo ka socotay Axsaab ta Qaranka. Shirkan ayaa lagu wadaa ina guula badan u soo hooyo beesha & JSL. Midnimo & Waddajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.