Si Wacan Uga Boggo Niyad Jabki Xalay Ku Dhacay Lional Messi Iyo Sawiradi laga Diyaariyey.

0
142

Ninka ay malaayiintu jecel yihiin – sida uu yiraahdo Rouf Khaliif, mucaliqa caanka ah ee Carbeed, Isla isagaa ayaa xalayna ku dhawaaqay‘Maca salaama yaa Xabiibul Malaayiin!

Arartaas waxa ay xaqiiqo u tahay sida ay Lionel Messi xaalkiisa koobka aduunku noqday, niyad jab, wer wer iyo ayaa dib u celiya saacadda.

 

Laacibka shanta jeer hantay Ballon d’Or waxa uu qarka u saaran yahay in uu ka haro koobka aduunka -kiisii ugu dameeyey ee uu ka soo muuqdo.

30 jirka labadii kulan ee uu xulkiisa Argentina ku hoggaamiyey koobka aduunka hal dhibic ayey heleen waxaana laga badiyey kulankii xalay oo si xun loogu bahdilay Russia.

Xilli ciyaartii kowaad ay bar bar dhac niyad jab ah la soo galeen Iceland, kulankaas oo uu gool ku laadkii ay guusha ku heli laaheen uu Messi ka lumiyey xulkiisa, hadana kii ay dhabba si saani ah u fuuli lahaayeen waxaa ciqaabay Rakitic iyo Modric.

Waa dhab, Messi kulan ayaa u dhiman in uu ka haro ama si mucjiso u baahan ugu gudbo wareegga 16-ka.

SAWIRADDII LAGU SOO KOOBAY XAALKIISII XALAY!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.