Soomaaliya:Turkigu wuxuu xaq u leeyahay inuu is difaaco Waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ahmed Awad

0
284

Dowlada Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamada Turkiga ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga in dowlada Soomaaliya ay taageersan tahay xukuumada Turkiga.

“Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin,”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cawad xilli uu ku sugnaa dalka Ethiopia.

Ciidamada Turkiga ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxa ay bilaabeen howlgalo loogaga saarayo deegaanka Afrin ee Waqooyi Bari Siiriya ururada PYD/PKK iyo Daacish.

“Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan,waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Soomaaliya ay u hayso howlgalada”ayuu sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in ixtiraam weyn ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed xukuumada iyo shacabka Turkiga maadaama ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo taageero siiya shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Sida laga soo xigtey taliyaha ciidamada Turkiga howlgalka la magac baxay Laantii Seytuunka ayuu ku micneeyay in uu yahay mid lagu dhisayo goob xasiloon oo ammaan ah xadka labada dal ee Siiriya iyo Turkiga taasoo sidoo kale loogaga ilaalinayo shacabka Siiriya cadaadiska iyo xaasidnimada argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here