Home News Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Ayaa Sheegey In Aaney Joojineyn Dilki Sarakishu Dagaalka...

Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Ayaa Sheegey In Aaney Joojineyn Dilki Sarakishu Dagaalka Lagula Jiro Al-Shabaab.

0
53
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar Dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April iyo Abaandullaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame.

Labadan Taliye iyo ilaaladii la socotay ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya magaca ciidanka xoogga dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum General Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum General Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”. ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.

“Labada Generaln iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al Shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”. ayuu raaciyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida saraakiishaani aysan niyad jabin doonin ciidanka xoogga dalka, isagoona tilmaamay mar waliba ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan hawlgalka dalka looga xureynayo Al Shabaab.

Dhanka kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo  Dhammaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada ay ka shahiideen saraakiisha iyo askarta kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuumiintii shahiiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: