Tobabaraha Xulka Qaranka Egland Oo Ka Hadley Guuldaradi Xalay Ka Raacdey Koobka Aduunka.

0
117

Tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa ka hadlay guuldaradii qalbi jabka ahayd ee kasoo gaadhay dhigooda Croatia kulankii xalay ka dhacay magaalada Moscow gaar ahaan gegida Luzhiniski, Gareth Southgate ayaa meel fiican soo gaadhsiiyay xulkiisa isaga oo u suurogaliyay Semi Final-kii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1990 laakiin waxay ku fashilmeen inay gaadhaan kulanka kama dambeysta.

Xulka saddexda libaax waxay daqiiqado u jireen inay kulankoodii labaad ciyaaraan Rigoorayaal laakiin taas wakhtigu uma saamixin oo weeraryahanka Croatia ee Mario Mandzukic ayaa shabaqa kasoo taabtay daqiiqadii 109-aad ee ciyaarta, Laakiin jamaahiirta England waxay qabaan in xulku uu gaadhay meel ka fiican halkii laga filayay.

Tababare Southgate ayaa niyad wanaag ka muujiyay ciyaarta isaga oo sheegay in xulkiisu uu noqon doono sidii hore ka xoogan isaga oo dhinaca kale sheegay in fal celintii jamaahiirta ee dhammaadkii ciyaartu ay ina tusayso waxkasta oo ciyaartoydu bixiyeen waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Dhammaadkii ciyaarta dhawr ciyaartoy ayaa ku baxay lugahooda waxaanan kusoo koobanay 10, Falcelintii ka timid taagerayasha dhammaadkii ciyaarta ayaa ku tusaysa waxkasta oo ay bixiyeen”

“Waxaan ka nimid dariiq dheer oo cajiib ah wakhti yar gudaheed, Wax way ka duwanyihiin halkii aan filaynay inaan gaadhi doono, Sida aan ka falcelino waxa jiri doona waxyaabo wanaagsan laakiin way adagtahay caawa, Waxaan aad ugu dhawayn waxaan bilawgii ahayn wax la filan karo”

Si kastaba ha ahaatee, Tababare Gareth Southgate ayaa la filayaa inay soo dhawayn heer sarre ah ka helaan jamaahiirta dalkooda marka ay dhawaan dib ugu laabtaan magaalada London maadaama oo ay sameeyeen wax aan laga filayn markii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.