Toni Kroos Oo Ka Hadley Qalalaasaha Ku Dhacey Xulka Qaranka Spain…

0
62

Xiddiga xulka qaranka Jarmalka ee Toni Kroos ayaa ka hadlay qalalaasihii Khamiistii ka dhacay gudaha xulka qaranka Spain ee caydhintii tababare Julen Lopetegui wakhti hal maalin ka hadhsanayd bilowga Koobka Adduunka iyo go’aankii kale ee lagu magacaabay Fernando Hierro.

Kroos waxa uu sheegay in bixitaanka Lopetegui iyo deggenaan la’aantii koobnayd aanay saamayn ku yeelan doonin xulka qaranka Spain ciyaarahooda Koobka Adduunka.

 

“Ilama aha in ay tani saamayn weyn ku yeelanayso fursadaha xulka Spain. Way caddanahay in aanad wanaag dareemayn marka aad weydo tababarahaaga laba maalmood ka hor bilowga Koobka Adduunka. Laakiin si fiican ayaan u aqaanaa Hierro, waxaanan hubaa inuu masuuliyadda qaadi karayo. Waa tababare wanaagsan, wuxuu la shaqeeyey Carlo Ancelotti, xulkana si fiican ayuu uga shaqayn doonaa.” Sidaas waxa yidhi Toni Kroos oo u warramay warbaahinta isaga oo ku sugan waddanka Ruushka.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa Khamiistii shaqada ka caydhiyey tababare Lopetegui oo Real Madrid heshiis la galay maalin ka hor, taas oo uu xili ciyaareedka dambe buuxin doono booskii uu banneeyey Zinedine Zidane.

Xidhiidhka ayaa ku eedeeyey Lopetegui in isaga oo aan la socodsiinin uu ogolaaday inuu shaqo kale qabto wakhti xasaasi ah, waxaana lagu beddelay Fernando Hierro oo hore ugu ciyaari jiray Real Madrid, hase yeeshee wakhtigan ahaa agaasimaha xidhiidhka kubadda cagta ee Spain.

Xulka qaranka Spain oo ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 2010 lagu qabtay Koonfur Afrika, waxay ciyaartooda koowaad Jimcaha magaalada Sochi kula ciyaari doonaann Portugal, ka hor inta aanay Iran iyo Morocco ku waajihin group B.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.