Tujaarta tirada yar ee haysta 82% hantida adduunka

0
53

Farqiga u dhaxeeya tujaarta iyo fuqurada ayaa aad usii balaartay sanadkii hore, iyada oo hantida adduunka taala inteeda badan ay leeyihiin dad aad u tiro yar sida ay sheegeyso hay’adda Oxfam.

Illaa 82% lacagihii la dhaliyay sanadkii hore adduunka oo dhan waxa ay gacanta u galeen dad taajiriin ah oo boqolkiiba 1% hal ka ah bulshada adduunka, iyada oo kala bar dadkii fuqarada ahaa aysan jirin wax inaba u kordhay.

Tirakoobka ay soo saartay Oxfam ayaa waxa ay eedda ugu weyn dusha u saartay nidaamyada dowliga ah oo guul daraystay, iyada oo dad badan ay la gooyeen canshuurihii ay bixin lahaayeen.

Waxa kale oo arrintan ugu wacan sida ay hay’adda qabto saamaynta ay shirkadaha ku leeyihiin dajinta siyaasadaha dowladaha ee arrimaha bulshada, ku xad gudubka xuquuqda shaqalaha, iyo waxyaabo kale.

42 shaqsi oo taajiriin ah ayaa heysta hanti ka badan inta ay heystaan kala bar dadka fuqurada ah.

Agaasimaha Oxfam Mark Goldring ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin sinaan la’aanta adduunka ka jirta.

Warbixinta hay’adda ayaa kusoo aadaysa marka uu furmayo shirweynaha dhaqaalaha adduunka ee magaalada Davos, ee dalka Switzerland. Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgala hoggaamiyeyaal badan oo adduunka, oo ay ka midyihiin ganacsato.

Qodobada shirka Davos looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sinaan la’aanta adduunka ee xagga dhaqaalaha, balse Mr Goldring waxa uu qabaa in hadalkaas adag uu yahay mid aanan wax tar lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.