Ujeedada Raysal Wasaare Khayre Ugu Safraayo Dalka Qatar Maalinta Bari Ah Oo Xogo Laga Helay

0
111

Moqdisho (Arooryomdia):-  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa berri u safraya magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay u sheegayaan

Safarka Kheyre ayaa ah mid madaxeed rasmi ah oo dowladda dalkaas ay u fidisay ra’iisul wasaaraha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in booqashadan uu Kheyre kala hadli madaxda dalkaas arrimo badan oo ay ugu weyn tahay mashaariic hore ay Doxa u ballan-qaaday inay ka fulineyso Soomaaliya.

Ma jiraan faah-faahinno intan dheer oo laga helayo safarka Kheyre, oo la sheegay inuu yahay mid muddo ka hor la qorsheeyey inuu dhaco, waxaana maanta Muqdisho ka baxay wafto hurdhac u ah booqashadan.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee  xidhiidhka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.